U-jeeddada:-Kulankii Wasiiradda Arrimaha Dibadda Iyo Khilaaf Ka Dhex-Taagan Madaxweynaha Somaliland Iyo Raysal,wasaaraha Itoobiya &Dhibaato Muuse Biixi Ka Haysta Luuqada Lagula Hadlo Waddamada Caalamka

0
1599
Wasiiradda arimaha dibada somaliland iyo itoobiya

Itoobiya,(Baraarugnews.net)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa la kulmay  Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, isla markaana waxa la sheegay in kulanka Wasiiradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa u-jeeddada keentay kulankooda waxa sabab u ah khilaaf iyo wada shaqayn la’aan soo kala dhex-gashay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal,wasaaraha cusub ee qabsaday dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Wasiirka Dawladda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa magaalada Adis-ababa  xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibaddaa Somaliland Dr. sacad cali shire oo weheliyo safiirka somaliland ee dalka Ethiopia Amb. Ahmed Egal iyo u qaybsanaha arrimaha ganacsiga ee safaarada Abdirahman Cabdi, isla markaana  Kulankaa oo mudo saacado ah qaatay waxa lagu lafa guray arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada Amniga, Ganacsiga, Waxbarashada iyo iskaashigii dhinaca siyaasadda ee ka dhexeeyay Dawladda Somaliland iyo Dawladda Itoobiya ee labada dal iyo is badelka weyn ee dhinaca siyaasadda Itoobiya ee Raysal,wasaaraha Abiy Axmed Cali oo wax weyn ka badelay siyaasadii arrimaha dibadda ee ka dhaxeeyay waddamada geeska afrika iyo dawladda Soomaaliya iyo Somaliland qaabkii hore ula macaamili-jirtay Itoobiya Raysal,wasaarayaashi,i isaga ka horeeyay siduu ahaa xidhiidhkii ka dhaxeeyay Somaliland iyo dawladda faderaalka Soomaaliya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in in Wasiiradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Itoobiya, wax is ka waydiiyeen  xaalada siyaasadeed ee  guud ahaan mandaqada geeska afrika iyo isbedelada badan oo ku soo kordhiyey Raysal,wasaaraha Abiy Axmed Cali oo wax weyn ka badelay dhabihii lagu hogaamin jiray dawladda Itoobiya, isla markaana waxa la xusay kulankaa  in Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire kala hadlay is badelka lagu sameeyay iyo magaca laga badelay safaaradii Itoobiya ku laheyd caasimada Somaliland ee Hargeysa, oo laga dhigay Qusuliyad, halkii hore u aheyd astaanta u taagnayd magacii hore ee la odhan jiray safaarad, laakiin Raysal,wasaaraha cusub ee Itoobiya qabsaday ayaa galiyey dawladda Somaliland liiska maamul-goboleedyada ka jira ee hoostaga dawladda faderaalka ee Madaxweyne Farmaajo oo kale inay Somaliland-na u aqoonsan yahay Raysal,wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi intuu la wareegay xilka Madaxweynimada Somaliland, ayaa ku fashilmay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, taasoo la tilmaamay in Kornayl Muuse Biixi garan waayey luuqada ama bodhi laankuwayshka lagula hadlo waddamada shishiiye, isagoo markiisii horena aan la aheyn xidhiidhka siyaasadda waddamada Itoobiya, geeska afrika iyo waddamada caalamka, Balse dadka siyaasada arrimaha dibadda iyo geeska afrika ka faalooda ee aqoonta dheer u leh, ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Muuse Biixi  Madaxweynihii ugu aqoonta iyo dhinaca siyaasadda ugu liitay abide e soo mara kursiga madaxweynimada Somaliland, iyagoo walaac xoogan iyo wel-wel ka muujiyey xaaladaha adage e wakhti xaadirkan ki jirto Somaliland oo xaalad cakiran oo qalafsan hadday tahay arrimaha gudaha iyo dibaddaba ay gashay dawlad-nimadii shacabka reer Somaliland meel aad u halis ah iyo dhaqaale la’aan soo food saartay dalka, iyadoo hogaamin-xumida iyo aqoondarada Muuse Biixi ay keentay.

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here