Ugaas Jamaal Food Oo Shacabka Ku Hanbalyeeyey Curashada Sanadka Cusub Fariimo Kalena U Diray Bulshada “Waa In Sanadkan La Taageeraa Madaxweynaha Mustqabalka Maxamuud Xaashi cabdi” Ugaas Jamaal Food

0
70

Ugaas Jamaal Food Oo Shacabka Ku Hanbalyeeyey Curashada Sanadka Cusub Fariimo Kalena U Diray Bulshada “Waa In Sanadkan La Taageeraa Madaxweynaha Mustqabalka Maxamuud Xaashi cabdi” Ugaas Jamaal Food

 

Hargaysa(BARAARUGNEWS) Ugaas Jamaal Cabdiraxmaan Axmed Food oo Ka mid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ayaa Shacabka Somaliland waxa uu Ku Hanbalyeeyey Curashada Sanadka Cusub ee Miilaadiga ee 2019 wuxuuna bulshada Usoo jeediyay Hadalo iyo Fariimo iskugu Jira Waano iyo Hoga Tusaalayn Ku Aadan Talda Dalka Iyo Hogaanka Mustaqbal ee Somaliland Gaar ahaana Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye

Ugaas Jamaal Food ayaa Hanbalyo Ka dib waxaa uu Ka Sheekeeyey Taariikhda Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Waxaana uu sidaa Ku Sheegay Qoraal uu Kusoo Baahiyay Bartiisa Facebook Waxaana uu yidhi.

 

 

“ Sanad Wacan Dhamaan Friendskayga Ilaahay Sanadkaa Sanadkiisa Ha Inagu Gaadhsiiyo Bashbash Iyo Barwaaqo Amiin Caawa Waxan Sanadka Cusub Doonaya Inaan Taariikhdiisa Ka Waramo Madaxwaynaha Mustaqbalka Jamuuriyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi Wuxu Ku Dhashay Magaalada Burco Wuxu Dugsigii Hoose Dhexe Iyo Kii Sareba Ku Dhamaystay Gabalka Togtheer Markii Danbana Wuxu Ahaa Ragii Dhidibada Utaagay Ururkii Snm Dalkana Ka Xoreeyey Smn Wuxuna Ka Mid Ahaa Ragii Hogaaminiyey Dagaalkii Dhaqashey Ee Lagula Dagaalameyey Kaligii Taliyihii Wadanka Soo Maray Markii Xoriyada Lala Soo Noqday Wuxu Ahaa Maayirkii Ugu Horeyey Ee Gobal Togdheer Ka Dibna Wuxu Noqday Xilibaan Golaha Wakiilada Ah Xiligii Ale Ha U Naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Wakhtigaas Oo Ah Ninka Ugu Dhiiran Xaga Siyaasada Ina Cigaalna Uka Yaabay Siyaasimadiisa Markii Danbena Wuxu Jaamacad U Aaday Wadanka Engiriiska Halkaasoo Uu Ku Soo Dhameeyey Master Ka Dibna Wuxu Ku Soo Noqday Dalkiisa Hooyo Ahaa Ragii Kulmiye Aasaasay Ee Naf Iyo Maalba Iyo Aqoonba Galiyey Markii Uu Kulmiye Ku Guulaystayna Waxa Loo Magacaabay Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Uu Waliba Uu Gaadhsiiyey Heerar Ushaqayaan Iriboodada Caalamka Ka Markii Uu Arkay Madaxwaynihii Siilaanyo Inuu Yahay Nin Karti Uleh Saqadiisa Waxa Marlabaad Loo Maga Aabay Wasiirka Madaxtooyada Halkaas Oo Uu Kula Dhamaystay Madaxwaynihii Siilaanyo Waxan Leeyahay Maxamud Xaashi Waa Nin Uqalma Inuu Qabto Hogaanka Dalka Sabantoo Ah Waa Nin Siyaasi Dublamaasi Ah Oo Siyaasadiisu Madow Ku Jirin Wanan Hubaa Hadaanu Noolnahay Inuu Noqonayo Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Taana Waxa Gaadhsiinaya Kartidiisa Iyo Aqoonta Uu Ka Kasbaday Shacabkiisa Soomaliland “

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here