Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Boqor Cismaan Buur-madow ayaa saddex cesho ka hor ka dhoofay Madaarka Magaalada Hargeysa ee Cigaal Internation Airport, isla markaana Boqor Cismaan Buur-madow ayaa la sheegay in wakhti xaadinkan khilaaf xoogan ka dhex-aloosan yahay Madaxweyne muuse Biixi Cabdi, Wasiirkiisa arimaha gudaha Maxamed Kaahin AXMED iyo Boqor Cismaan Buur-madow.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Boqor Cismaan Buur-madow uu safar ugu baxay waddanka Imaaradka Carabta, isla markaana socdaalka Boqor Buur-madow ayaa ku soo beegmaaya xilli ergooyin badan oo isugu jira Culumo, Madax-dhaqmeed tirro badan iyo siyaasiyiin ku sugan yihiin deegaanka Ceel-afweyn oo ay ka wadaan heshiisiinta laba beelood oo walaalo ah, dhawr jeerna dagaal ku dhex-maray deegaanada ka tirsan Gobolka Sanaag.
Sidoo kale, labada beelood eek u dagaalamay deegaanka ceel-afweyn ayaa beel ka mid ah ayaa ah beesha Boqor Cismaan Buur-madow.