Ujeeddada:- Kulan Dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Iyo Cabdillaahi Ducaale Iyo Eeddayntii Gudd. Cirro &Ha’yaddihii Caalamka Oo Dhamaan Ka Baxay Somaliland

0
477
Muuse Biixi Iyo Cabdillaahi Ducaale

Hargeysa,(Baraarugnews,net)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa  khadka isgaadhsiinta telifoon kula xidhiidhay Wasiirkii xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale u qaabilsanaa Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale, isla markaana Muuse Biixi ayaa ka dalbaday isagoo Cabdilaahi Ducaale ku sugan Adis’ababa ee dalka Itoobiya innuu u soo gurmado oo degdeg u soo gaadho. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo markiiba ka soo baxay Itoobiya innuu shalay barqadii yimi Magaalada Hargeysa, Balse waxa la sheegay in kulan qaas ah oo qarsoodiya albaabka isu-xidheen oo kaligood ahaa cidna aaney ku wehelinayn ku yeesheen  aqalka Madaxtooyada Hargeysa Madaxweyne Muuse Biixi iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

Il-wareedyo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhawaa kulanka Muuse Biixi iyo Cabdillaahi Ducaale, una dhuun-daloola aqalka Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, ayaa u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uga waramay xaalada siyaasadeed ee wakhti xaadirkan ay ku jirto Somaliland iyo arrimaha siyaasadeed ee soo food saaray iyo duruufaha ku xeeran dhinaca doorashooyinka Golaha deegaanka iyo Golaha Baarlamaanka sOmaliland ee soo socda caqabado ku gadaaman iyo arrimo kale uga waramay Cabdillaahi Maxamed Ducaale. Balse x Xogahaa ayaa tibaaxay in Muuse Biixi uu ka codsaday Cabdillaahi Maxamed Ducaale innuu ka caawiyo arrimaha sidaasada dibadda oo gabi-ahaan-ba istaagtay oo uu ku jiro godoon iyo xidhiidh la’aan dhinaca waddamada Yurub iyo geeska afrika, una sheegay inay cannaan badan kaga imanayaan Wadamada Somaliland ka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka oo cadaadis badan iyo godoon siyaasadeed oo dhinaca dibadda ah uu ku jiro dalka Somaliland ayaa la sheegay innuu arrimahaas sidii uu wax kala qaban lahaa uu kala hadlay.

Waxa kale oo xogahaa ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Muuse Biixi u sheegay Cabdillaahi Maxamed Ducaale in dhamaan ha’yaddihii dhinaca gargaarka bini’aadabnimada ee ruyuuman teeryaalka ay dhamaan ka wada baxeen dalka Somaliland, isla markaana xogahaa ayaa tilmaamay in Muuse Biixi uu aad uga cawday Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan cirro oo qayb weyn ku leh arrimaha waddamada reer galbeedka ee dabada u soo jeediyey xukuumaddiisa Muuse Biixi, isagoo ka dalbaday Cabdillaahi Maxamed Ducaale madaama uu xidhiidh la lahaa, kana soo shaqeeyay siyaasadda arrimaha dibadda innuu wax kala qabto godonka siyaasadeed ee dawladda Somaliland ku jirto.

 

Sidoo kale, xogahaa ayaa cadeeyay in Cabdillaahi Maxamed Ducaale uu arrintaa ka qa-balay innuu wax kala qabto Madaxweyne Muuse Biixi, ka dibna ay g’aan ku wada gaadheen innuu Cabdillaahi Ducaale u baxo oo uu tago dalka Kiiniya ee Nayroobi, Isla markaana Cabdillaahi Ducaale ayaa maanta u dhoofay magaalada Nayroobi.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here