Ururka SOLJA oo Qaaddacay Shir Wasaaradda Warfaafinta S/land u Qabanayso Warbaahinta iyo Sababta

0
45

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, ayaa sheegay inaanu ka qaybgalaynin Shirka Qaran ee ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland shaacisay inay Warbaahinta dalka u qabanayso 29/30-ka bishan 12-aad ee sii dhammaanaysa, ka dib markii doorkii Solja oo Warbaahinta u taagan doorkiisii shirka meesha laga saaray War-Saxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxay Ururka SOLJA, isla markaana uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com, waxa lagu faahfaahiyey sababta Solja aanay uga qaybgalayn Shirkaas, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidatan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu Iftiiminayaa inaanu ka qayb galayn shirka Qaran ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ku dhawaaqday inay u qabanayso Warbaahinta Somaliland 29-30-ka bishan December oo ku beegan Sabtida iyo Axada toddobaadkan soo socda.

SHIRWEYNAHA WASAARADDA WARFAAFINTA SOMALILAND U QABANAYSO SAXAAFADDA 2018

SHIRWEYNAHA WASAARADDA WARFAAFINTA SOMALILAND U QABANAYSO SAXAAFADDA 20 Ururka SOLJA, isagoo metelaya Saxaafadda Somaliland waxa uu u arkaa shirkaasi inaanu ka turjumayn ujeeddada ay wasaaraddu ugu magac dartay maadaama sida ka muuqata Jadwalka shirkaasi uu yahay uun mid wasaaraddu ugu yeedhinayso ka soo qayb galayaasha wax ay soo qorshaysay ee aan fursad loo siinaynin Daneeyayaasha Saxaafadda inay aragtidooda ka dhiibtaan shirka.

SOLJA SOMALILAND JOURNALISTS ASSOCIATION

SOLJA SOMALILAND JOURNALISTS ASSOCIA Ururka SOLJA, waxa uu arkaa inaanu shirkani xal keenayn inta Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu ku dirqiyayo inay yeelaan saxaafadda Somaliland waxa uu doonayo ee aanu tixgalinayn xuquuqda Dastuuriga ah.

Ururka SOLJA waxa uu soo jeedinayaa shirkan inay ka horeeyaan Qorshayaal farabadan oo kaga maqan saxaafadda dhinaca Xukuumadda, kuwaas oo u baahan inay Xukuumaddu fuliso.

Sidaas daraadeed; Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu u soo jeedinayaa Madaxweynaha Qaranka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu wax ka qabto Cabashada iyo duruufaha Saxaafadda Somaliland haysta ee aanay Wasaaradda Warfaafintu waxba ka qaban karayn.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka SOLJA ee Guddoomiyaha Ururkaasi ku saxeexnaa.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here