“waa inaad samaysaa waxa dadku kugu yidhaahdaan ma sameyn kartid. Sida…”

0
165
“waa inaad saaeysaa waxa dadku kugu yidhaahdaan ma sameyn kartid. Sida…”

Nolosha ugu weyn waa inaad sameyso waxa dadku yiraahdaan ma sameyn kartid. Sida aad u guuleysati waa inaad bixisaa waxa aad rabto wax u qalma. Yoolkaa waa inuu aahado mid kuu qeexan, haddii aad rabto inaad meel gaadho, waa inaad leedahay, ka adkaanshi nafeed, waa inaad ka adagtahay naftaada aad hagi kartaa. Waa inaad noqoto is ma dhiibe, ay nolosha macno u leedahay, qof waliba guuleestay, ma uu San ahayn qof is dhiiba, qof waliba guuldareesta waxa cagta ku hayay hayaankii is dhiibida.
Qofna kuma siin karo xorriyadda.

Qofna kuma siin karo sinnaan ama caddaalad ama waxaad u bahaantahay rumeynta riyaada adiga ayey ku sugeysaa, maanta bilow, mar kale ha u dib dhigan nolosh kuma wacno dib dhigasho, kuma suuragasho rumeenta riyada qabashada waqti aad la sugto, waqtiga aad hadda joogto qabo, waa inaad is bartaa caadada ah hadda qabo. Kalsoonida waa wax waliba aadan heysan wada aad u mari lahayd, aammiin naftaada, isku kalsoonoow.

Bar naftaada tabaha loo dagaal galo loo dhacsado waxa aad u bahaantahay, qofka haraadsan inta uu meel jiifsado mayiraahdo biyo ha la ii keeno, waxa ku raadshaa lugihiiss ilaa uu ka helo ma joogsado, ma quusto waxa uu baadi goobaa sifo kasto uu ku heli karo, waxaad tahay qofkii haraadsanaa, waxaad ku oon bixi kartaa inaad, dagaalanto, halgan dhab aad la timaado, aad ku larto tallo saarashada Rabbi subxaana wattacaala.U isticmaal mala-awaalkaaga inaadan naftaada u cabsi gelin laakiin ay naftaada dhiirrigiliso. Suureyso in ay wax waliba suuragal yihiin. Suragalnimada wax waliba, waxa u dub dhexaad u ah Aamminaada nafta, wajihida caqabadaha, geesinimo, adkeyso, dulqaad aan tiro koob lahayn, iyo qabashada si ka duwan sida dadka u qabtaan. Adigaa ah guuleestahaha, ha is dhiibin, hanna baqan horay u soco.

W/Q:ilkacaseH MowliiD Garad


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here