Waa kuma Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka Soomalaiya &Dhibaatooyinka Hor-yaala Maxamed Mursal?

0
414
Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka somalia

Muqdisho,(Baraarugnews.net)- Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal, ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana wuxuu helay 147 cod halka musharrixii kula tartmayay wareega labaad uguna dambeeyay Ibraahim Isaaq Yarow uu helay 118 cod.

Maxamed Mursal oo dhawaan iska casilay xilka wasiirka gaashaandhigga ayaa xilkan hayn doono ilaa iyo sanadda 2020. Wuxuu badalayaa guddoomyihii hore Maxamed Cusmaan Jawaari oo muran siyaasadeed ka dib iska casilay xilkaasi billowgii bishan, balse Guddoomiyaha cusub oo jeediyay khudbad wuxuu u mahadceliyay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ballan qaaday inuu u shaqayn doono si waafaqsan dastuurka dalka Soomaaliya. “Waxaan hortiina ku balan qaadayaa inaan ilaalin doono sharciga oo aan kursigan ugu shaqeyn doono danta, dalka, diinta iyo dadka, kuna dhaqmi doono dastuurka dalka” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka somalia

Geesta kale, Ibraahim Isaaq Yarow ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub oo isna khudbad ka jeediyay baarlamaanka ka dib doorashadu markay dhamaatay  u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub. ”Waxaan aaminsanahay in geedi socodka nabadda iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya ay guuleysatay”. ayuu yiri Ibraahim.

Waa kuma Guddoomiyaha cusub ee maanta loo doortay Baarlamaanka Soomalaiya Maxamed Mursal?

Mursal ayaa markii ugu dambeysay ahaa wasiirka gaashaanadhigga  soomaaliya oo loo magacabay dabayaaqadii sandkii hore. Wuxuu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka 10-aad.

Intii u dhexeysay 2012 ilaa 2015 wuxuu ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga. Shaqooyinka horyaalla guddoomiyaha cusub

Wuxuu xilkan la wareegayaa xili xubnaha baarlamaanka ee uu hogaamin doono ay aad ugu kala qeybsameen guddoomiyihii hore iyo xil ka qaadis la doonayay in lagu sameeeyo taasoo markii dambe sababtay inuu iscasilo.”Wuu ogsoon yahay shaqada hortaalla isagaba, maadama uu in badan ahaa siyaasi iyo diblomaasi” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi oo u warramayay barnaamijka Dunida iyo Maanta ee BBC-da.

Shaqaooyinka kale ee horyaalla waxaa ka mid ah dardargelinta hawlaha la xisabtanka dowladda iyo dhameystirka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here