“Waa Kuma PROSOFOOR. Cabdiraxmaan Axmed Dhunuuf?

0
113
"Waa Kuma PROSOFOOR. Cabdiraxmaan Axmed Dhunuuf?

“Waa Kuma PROSOFOOR. Cabdiraxmaan Axmed Dhunuuf?
Door Noocee Ah Ayuu Ku Lahaa Prof.Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf qabkii loo qabtay kooxdii NAZI-ga ee dishay ninkii Itoobiyaanka ahaa Mulugeta seraw?

"Waa Kuma PROSOFOOR. Cabdiraxmaan Axmed Dhunuuf?
size-full wp-image-47577″ /> “Waa Kuma PROSOFOOR. Cabdiraxmaan Axmed Dhunuuf?

Hargeysa,(Baraarugnews.Net)-Mawduuca aynu maanta ku Ibo-furaynaa qalinka akhristayaal in yar oo ka mid ah shakhsiyaad taariikh aad u mug iyo miisaan weyn oo balaadhan ku leh dalka somaliland iyo dhacdooyin cajiib ah xanuun iyo daruufo waayo kala duwan xabaarsan, kana dhacay wixii la isku odhan jirtay wakhtigii ay jirtay dawladdii Soomaali-weyn iyo bilowgii halgankii Ururkii SNM ee dagaalka adag la galay dawladdii tikteetarkii ama kaliye taliyihii Maxamed Siyaad Barre iyo qarax kale oo isna halgan adag oo labaad isna isku xilli ka wadda istaadhmay qaaradda Dalalka reer galbeedka iyo Waddanka Maraykanka midab kala soo-cii diirka bini’aadamka oo ka dhex- curtay qoomiyadaha midabka cadaanka iyo midabka madow leh ee waddamada reer Galbeedka iyo dalka maraykanka aqoon-yahankii Soomaalida ahaa ee wakhtigaas aqoon ahaan halgankii quruumaha cad iyo madowga ku hirdamayey u dagaalamayey xaquuqdooda qayb ka ahaa duufaankii shucuurta ummadaha ku nool akoonka dushiisa ee aqoon-yahankii iyo hogaamiyeyaashii adduunyada ka soo dhex-muuqday ee shakhsiyaadkii bulshada soomaalidda ka soo jeeday ee hab-dhaqankii ummadda caalamka wax ka badelay, caana ka noqday ayeynu akhristayaal maanta ku lafa guraynaa dulucda faalladeena oo idinku soo gudbinaynaa dhacdooyin xanuun badan, daruuf aad u qadhaadh iyo waayo murugo iyo nolol aad u adag mawjadihii dagaalka halgankii loogu jiray isbadel Nololeed, siddii ay u helilahaayeen bulshooyinka madowga ah iyo shacabkii goboladda Waqooyi ee Soomaaliya shakhsiyaad ka soo jeeda bulshada soomaalida oo dhibaatooyinkii ay kala kulmeen halgankii dib-u-xoraynta shacabkii Waqooyi wixii la isku dhan jiray Soomaali-weyn iyo quudhsigii midabka madow dawladdaha caalamka u horseeday is badel ka dhex-dhasha bulshooyinka dalalka Maraykan iyo Yurub, ma jiraa shaksi SOomaali ah oo qayb ka noqda ama ku jiray halgankii faqooqii, gumaysigii iyo midab-takoorkii lagu hayey umadda Madow ku ahaa?
Bar-bilowgii PROSOFOR.Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf wuxuu ku dhashay Caasimada Somaliland ee Magaalada Hargeysa,laakiin wakhtigaas uu dhashay Prof. Cabdiraxmaan waxay aheyd caasimaddii labaad ee Soomaaliya oo Magaaladda Muqdisho ayaa aheyd caasimaddii Soomaaliya.
Prof. Cabdiraxmaan Labadiisii waalid Hooyaddii iyo Aabihii alle naxariistii jano fardowsa ha ka waraabiyee waxa la kala odhan jiray Hooyaddii Aamina Dheel alle ha u naxariistee .Aabihi-na waxa la odhan jiray Axmed,isagoo Aabihii lahaa naanays caan ah oo aad looga yaqaanay gayiga Soomaalidu degta oo dhan , naaneyst Aabihii Cabdiraxmaan la odhan jiray ayaa aheyd Shunuuf.Alle ha u naxariistee labadiisa Waalid Hooyaddii iyo aabihii waxay magac weyn ku dhex-lahaayeen guud ahaan bulshada dhulka Soomaalida oo dhan.Prof. Cabdiraxmaan Aabihii Axmed alle ha u naxariistee wuxuu hanti badan oo dhismo,-yaal guryo ah iyo beero waa weyn ku lahaa magaalooyinka waa weyn ee Somaliland,gaar ahaan magaalada Hargeysa.Dadka soo gaadhey intii uu noolaa aabihii Prof.Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf waxay ku tilmaameen innuu ahaa Axmed Shunuuf shakhsi deeqsi ah, ilahey ku maneystay gacan furnaan qalbi fiican aadna u naxariis badan. caawiya dadka masaakiinta ah ama jilicsan,goob kasta oo uu joogo wixii uu gacanta ku haya qofkii uu arko ama ugu soo horeeya ayuu u dhiibi-jiray wixii gacantiisa ku jira. Alle ha u naxariistee Axmed Shunuuf iyo Ooridiisii Aamina Dheeman waxay ahaayeen laba shakhsi oo illahey ku manaystay waji furnaan, hadal wanaagsan iyo naxariis, mar wal-bana ka warhaya deriskooda,walina qof xog-xogaal u ah bulshada oo caawiya dadka jilicsan ee xaalad caafimad iyo kii xanuunsan-ba la socda una daqmada naxariis badan ayey ahaayeen Prof. cabdiraxmaan Labadiisa waalid illahey janadiii fardowsa ha ka waraabi. bulshadda soomaaliyeedna aad ayey u tabeen kaalintii ay ka baxeen iyo iftiinkii damey ee Aamina Dheeman iyo Axmed Shunuuf oo ahaa laba shakhsi oo aad u jeclaayeen dadka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada reer Hargeysa, labadiisa waalid alle ha u naxariisto.
Prof Cabdiraxmaan Axmed shunuuf wax barashadiisii ugu horaysay ee iskuulka wuxuu ka galay magaalada Hargeysa, dugsigii dhexe iyo dugsigii sarre wuxuu ku dhamaystay magaaladda Hargeysa.markii uu dhamaystay dugsiga sare wuxuu tegay Imaaradka Carabta,kana sii watey wax barashadiisii,isagoo u sii dhaafay dalka Maraykanka.Prof. Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf wuxuu galay jaamacada Portland State University.isagoo halkaas ku qaatey shahaadada heerka bii’aj-dhiiga ah (PHD). Siyaasiyiin,aqoon-yahano,ganacsato,shakhsiyaad magacleh iyo qurba-joog dhalasho ahaan ka soo jeeday shacabkii Gobolada waqooyiga soomaaliya ayaa ku dhawaqeen ururkii SNM 1980-kii oo laga sameeyey dibadaha. 1988-kii markii ururkii SNM ka baxday ka baxday dalkii soomaaliya una talaabeen saraakiil ka goosyay dawladdii Maxamed Siyaad Barre oo saldhig laga siiyey dalka Itoobiya Prof Cabdiraxmaan iyo walaalkii,oo isna Prof ah Nagiib Axmed Shunuuf,kuna wada sugnaayeen maraykanka,ayaa bilaabey abaabul iyo guubaabo ku dhex-dhaceen bulshaddii qurbajooga aheyd ee soomaalidii ku noolayd magaalooyinka iyo goboladdii dalka maraykanka,gaar ahaan bulshaddii ka soo jeeday goboladdii waqooyi ee Soomaaliya ku sugnaa gobolada iyo magaalooyinka maraykanka. 1980-kii ayaa Prof.Cabdiraxmaan iyo Prof.Nagiib Axmed Shunuuf oo aqoon,indho iyo talo qabeenkii marka arrimo iyo xaalad adag la soo daristo qurbajooga soomaalida ee ku nool maraykanka ay lagula soo eeran jiray madaama ay ahaayeen waxay durbadiiba miiska soo saareen 1980-kii in dhidibada u tageen aas-aaska urur lagu magacaabo Somali istuudhanti(Sossion Somali Studients),aaso-seeshan.ujeeddada ay u sameeyeen ururka ayaa aheyd qaabkii kula dagaalami lahaayeen dawladdii kaliye-taliyihii Maxamed Siyaad Barre oo xasuuq lagu cidhibtirayo bulshadii gobolada waqooyiga soomaali ku haysay dawladii Siyaad Barre. Prof. Cabdiraxmaan iyo Prof.Nagiib degdeg u hawl-galiyeen hawl-gal ay ku abaabuleen Maxamed Siyaad Barre oo wefti hogaaminayey socdaal ku tegay caasimada dalka maraykanka ee Washeton.siyaad Barre iyo weftigii la socday huteelkii ay ku jiraan hortiisa ayey ka dhigeen isu-soobax waa weyn,kaasoo gacanta ula tageen xulofadii Maxamed Siyaad Barre. Ururkii ay sameeyeen Prof.Cabdiraxmaan iyo Prof.Nagiib ee Somali students waxay soo jiiteen indhihii beesha caalamka iyo warbaahintii dunnida ugu waa weynayd inay ku soo jeediyaan dawladdii Siyaad Barre.saddex jeer oo kale ayey soo abaabuleen mudaharaadyo waa weyn oo lagaga soo horjeeday xasuuqii ku haysay bulshada Somaliland dawladdii militariga aheyd ee Maxamed Siyaad Barre oo ka dhacay dalka maraykanka,laguna tageerayey jabhadii SNM ayey hormuud ka ahaayeen labada barasafoor.duruuftii iyo marxaladii xilligaas ay ku sugnaayeen Prof
Cabdiraxmaan, prof Nagiib iyo dhalinyaro isugu jiray rag iyo hablo ka tirsanaa ururkii madaxda ka ahaayeen waxay jarmaado,baqool iyo guuragal aan fadhi iyo seexasho laheyn ku jeexi-jireen masaafo aad u dheer in ka badan 3000km,kuwaas oo soo gali jiray safar afar maalmood iyo afar habeen oo kala joogsi laheyn isaga iman jiray Goboladda maraykanka.waxay la tiicayeen duruufta barafka iyo dhaxanaha ka dhaca maraykan. Prof. Cabdiraxmaan iyo Prof. Nagiib waxyaabaha iyo guulaha waa weyn ee la taaban karo ee markiiba ku talaabsadeen in Maxamed Siyaad Barre ka jarasn lacag saddex boqol oo kun oo milyan ah dawladda maraykanku siinaysay inay ka jaraan.lacagtaas oo dawladdii maxamed Siyaad Barre doonaysay inay hub ku layso shacabkii gobolada waqooyi u isticmaasho.laakiin nasiib daro waxa aqoontooda isku hortaagay labada barasafoor Cabdiraxmaan iyo Nagiib.waxay lacago lagu tageerayey ururkii SNM iyo taakulaynta saraakiishii madaxdii iyo dagaalyahanadii ururka SNM ayey u keeni jireen SNM.maanta caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayey ku nool yihiin labada Prof.Cabdiraxmaan iyo Prof.Nagiib Axmed Shunuuf,laakiin nasiib darada haysata Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,isagoo haysta shakhsiyaadka ay ka mid yihiin Prof.Cabdiraxmaan iyo Prof.Nagiib in maanta laga welwelo dacaayadaha iyo borobogaadhada wala-weynta ka soo horjeeda qadiyada madaxbanaanida somaliland.Prof. Cabdiraxmaan, Prof. Nagiib iyo dhalinyaradii ay hogaaminayeen ee Ururkii Somali Istuudhanti ku guulaysteen rididii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre laga saarey magaalooyinkii iyo dhulkii Gobolada Waqooyi ee magaalada Burco lagaga dhawaaqay Gooni Isu-taagii Somaliland `18 May 1991-kii, oo mararka qaar ay la kulmi jireen markii ay ku jireen halgankii ururkii SNM carqalado iyo dhibaatooyin waa weyn oo ka soo gaadhi jiray safaraddii dawladdii Siyaad Barre ku laheyd dalka Maraykanka, oo soo abaabuli jiray shir-qool lagu dhibaateyn jiray naftooda Cabdiraxmaan iyo Nagiib dhalinyaraddii isugu jiray wiilal iyo gabdhaha waxay u soo dhabar adeegeen duruuf iyo waayo adag oo kala kulmeen xulafadii soomaalidii koonfurta ee soo abaabuli jireen Dawladdii Siyaad Barre, laakiin aakhirkii waxay ku guulaysteen inay cashar u dhigaan dhamaana ka soo xidhaan, albaabadana isugu dhuftaan Xidhiidhkii Siyaad barre iyo dawladda Maraykanka iyo dalalka reer Galbeedka, madaama oo aqoon yahankii indhaha u ahaa bulshada reer Somaliland ee qurbajoogii dalka Maraykanka.
Door Noocee Ah Ayuu Ku Lahaa Halgankii Midab Takoorkii Dadka NAZI-ga Ah Ku Hayeen Bulshadda Madowga Ah Ee Ku Noolayd Dalka Maraykanka.Prof.-Cabdiraxmaan-Axmed-Shunu
Ka Dar oo dibi-dhal waxa mar kale u bilowday Prof. Cabdiraxmaan iyo Prof Nagiib Axmed Shunuuf xaalad iyo waayo halgan dagaal quruumo kale ah ayey cagaha la galeen,iyadoo halgankii diiftii iyo darxumadii nabadaradii wali ka sii muuqdo dhafoorkooda dagaalkii dheeraa ee kula jireen dawladdii geeska afrika ugu awoodda badnayd ee Militariga aheyd ee Maxamed Siyaad Bare, balse waxa maanta u baryey waa cusub oo ka duwan kii hore.
Bilowgii 1992-kii Prof.Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee madow ah oo soo abaabulay mudaharaad ka dhan ah gaalada oo lagaga soo horjeeday midab-takoorkii xilligaas xawli uga socday waddanka maraykanka oo cusuriyad xoog badan iyo dhibaatooyin aad u xun loo gaysan jiray bulshada madowga aheyd eek u nooleyd cariga Maraykanka. Kooxdii naasiga NAZI-ga ee cadaanka ahaa, aamisanaana kala sareynta bulshooyinka diirka cad iyo diirka madow ayaa tacadi isugu jira kufsi iyo xad-gudubyo ka dhan ah bini’aadanimada kula kicijiray dadka Madow, ayaa Prof. cabdiraxmaan wuxuu ahaa aqoon yahankii dadka madow ee lagu hayey dulmigii dhaqanka midam-takoorka dadka madowga ah dagaal la galay dadkii cusuriyiinta ahaa ee NAZI-ga.saddex nin oo ka tirsanaa dadkii cusuriyiintii naasiga ayaa dilay nin madow ah,dhalasho ahaana ka soo jeeday bulshada Itoobiya oo lagu magacaabi jiray Mulugeta seraw ayey dileen kooxihii NAZI-ga. ninkii Ethiopian-ka ahaa waxa magdhow lacagtii la siiyey waxay aheyd 12 million dollarsayey ku dileen Portland ee dalka Maraykanka.labada barasafoor ee walaalaha ah Prof Cabdiraxmaan, Prof.Nagiib Axmed Shunuuf iyo macalimiin kale oo ka soo jeeday dalalka afrika,bariga dhexe,bariga fog ee bagistan,Hindiya iyo Aasiya oo macalimiin wax ka wada dhiga ahaa jaamacadaha dalka maraykanka waxay abaabuleen kicinta dadkii madowga ahaa, iyagoo gubaabin iyo tagshiilin ka bilaabay jamacadihii ay dhigi jireen ee maraykan labada barasafoor Cabdiraxmaan iyo Nagiib. waxay ku guulaysteen in ay soo abaabulaan mudaharaadyo dawladdii Maraykanka ee 1992-kii xukumaysay dalka maraykanka.kacdoonkii bulshada madow iyo cadaan ka soo horjeeday midam-takoorka oo hogaaminayeen labada barasafoor Cabdiraxmaan iyo Nagiib Axmed Shunuuf iyo aqoonyahan kale oo u dhashay afrika iyo eeshiya ayey ka mid ahayeen shakhsiyaadkii kaliya ee soomaali ah ee ka soo muuqda, hormuud-na ka noqda halgankii adkaa ee lagu keenay sinaanta iyo xaquuqda dadka madow inay isku mid haddii waxbarasho,caafimaad iyo noloshaba noqdaan bulshadda cadaanka iyo midowga ah qaar u wada siman dalka maraykanka, meeshana waxay ka saareen kala sareyntii cadaanka iyo madowga. kuwaasoo keenay guushii aheyd in dawladdii maraykanku soo qabato saddexdii nin ee NAZI-ga ahaa ee dilay ninkii Itoobiyaanka ahaa Mulugeta seraw, kuwaas oo la soo taagay, lana saarey sharciga maxkamada maraykanka ah.
Inkastoo aqoonta iyo dagaalkii dib loogu xoreeyay Somaliland iyo dhiskii dalka qaybtii iyo gacantii ay ka gaysteen labada barasafoor Cabdiraxmaan iyo Nagiib aynaan halkan ku dhamayn Karin waxa la gudboon maanta Madaxweynaha SOmaliland Muuse Biixi Cabdi inuu maanta ka faa,iidaysto is-ticmaalana aqoontooda, siddii Alle ha u naxariistee Madaxweynihii geeryooday Maxamed Ibaahin Cigaal,kazoo Cisbitaalka dawladda ee Hargeysa iyo ha’yado kale u magacaabey Prof. Cabdiraxmaan AXMED Shunuuf, kaasoo ahaa shaksigii dhaqaajiyey cisbitaalka Hargeysa.Balse maaha iyagoo shacabka reer Somaliland haysta barasafoorada ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan iyo Nagiib oo kale in Madaxweyne Muuse Biixi is dabo wado dad aqoon iyo nidaamka dhaqamada iyo dhaqan-dhaqaale ee reer galbeedka iyo maraykkankaba ku shqeeyaan garaneyn, kuwii ku xeel dheeraa dhanka waddamada reer galbeedka ee wax barasho iyo macalin-ba ka soo noqday arday badana wax baray in laga faa,iidaysto dadkii ay wax bareen iyo aqoontoodaba ayey aheyd in maanta shacabka reer Somaliland looga faa,iideeyo shakhsiyaadka Cabdiraxmaan iyo Nagiib oo kale ah. Waana fara ku tiriska yar ee maanta u nool ilaheyna ku simay ummadan in ka faa,iidaysan lahayd weeye Prof. Cabdiraxmaan iyo Prof.Nagiib iyo shakhsiyaadka kale,laakiin haddii bulshadan iyo dawladda Somaliland indhaha u noqon lahaa ciddi waxba waydiineen aqoontooda iyo waayo arragnimadooda dadka looga faa,iidayn meel gaadhi mayaan hogaamiyeyaasha xisbiyada UCID,Kulmi iyo Waddani.Madaxweyne Muuse Biixi.Cabdiraxmaan Cirro iyo FaysalCali Waraabe umadan hogaaminayaan,shakhsiyaadka ay ka mid yihiin Prof.Cabdiraxmaan iyo Prof.Nagiib Axmed Shunuuf oo dadkan dalkan somaliland hilinka toosan ku hagilahaa laga horjoogo guul ma filan doonaan inay shacabka daal,diif iyo u haraadan ictiraaf inay ka helaan dawladdaha caalabka bulshada reer somaliland.
Halkan hoose ka akhriso ninka ay dileen kooxdii NAZIga ee Itoobiyaanka ahaa warbaahinnta caalamku ka qoreen qaabkii loo gaystay [05/03, 21:48] Prof Nagiib: https://en.m.wikipedia.org/wiki/Mulugeta_Seraw
[05/03, 21:49] Prof Nagiib: https://www.blackpast.org/african-american-history/mulugeta-seraw-1960-1988/
w/Q:-Cabdifataax Ismaaciil Maxamed
EMiel:-caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here