“Waa Laga Gobsan Yahay Koonfurta Soomaali. Labadaa Calan  Ee Somaliland Iyo Soomaaliya …Ethiopia waxay si diiran u soo dhawaysay wefti ka…”

0
1100

Hargeysa, (Baraarugnews.net)- Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta xukuumaddii Axmed Siilaanyo Cali Mareexaan ayaa ka hadlay astaanta labada calan ee Somaliland iyo  dawladda faderaalka ah ee Soomaaliya.

“Soomaali labadaa calan  ee kala sitaan (Somaliland Iyo Soomaaliya ),si ay ku dhaanto ma jirto oo Koorfur waa laga gobysan yahay. Ethiopia waxay si diiran u soo dhawaysay wefti ka timi Ereteria, waxaa Adisababa  dariiqyadeeda lagu qurxiyey labada calan ee labada dal kala leeyihiin Itoobiya iyo Iritariya, ogow waa labadii dal ee kala go’ay. Sudaan waxay todobaadkii hore shir ugu qabatay Khartuum dhinacyadii Konfurta Sudan, iyana waa qaybtii ka go’day Sudan.

Soomaaliya,iyaga xitaa waxaa laga la yahay in ay qiraan in aynu ahayn laba dal oo wax isku darsaday. Iminkana yaan caawimo lasiin ayey marayaan.Bakhaylnimo iyo xaasidnimo waxaa ugu xun marka qofku ka cadhoodo ama ku bakhaylo wax cidkale bixinayso.”Sidaa ayuu ku baahiyey barta uu ka isticmaalo baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebuugiisa Cali Mareexaan oo wakaalada Baraarugnews.net ka soo xigatay qoraalkan kooban ee uu ku faafiyey bartiisa. Facebuuga

 Baraarugnews.net Caarshe7@hotmail.con


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here