“Xoghayaha gaarka ah, adeerkana u yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Mubaarig Ismaaciil Taani, ayaa ah shakhsi ah buro ama fin nabar ku yaala Muuse Biixi iyo Beesha Sacad Muuse”
Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Xoghayaha gaarka ah, adeerkana u yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Mubaarig Ismaaciil Taani, ayaa ah shakhsi ah buro ama fin nabar ku yaala Muuse Biixi iyo Beesha Sacad Muuse ee dhamaan gacanta ku haysa maamulida Aqalka Madaxtooyada Hargeysa Iyo la go’aaminta la talinta qaabka uu u hogaaminayo Dawladnimaddii shacabka reer Somaliland Muuse Biixi, ayaa ku riday god dheer oo keeni kara inay burburto, laguna kala yaaco nidaamkii maamul ee ay dhisteen ummadda leh dhulkan la yidhaahdo Somaliland, haddii intay gori-goortahay laga qaban ciyaalkan u haysta gurigoodii inay taariikh aad u xun oo aaney ka soo waasaq ay ka dhaxlidoonaan beesha Sacad Muuse.
Muuse Biixi Cabdi Miyuu Hadalkiisii Beeniyey Oo Bulshada Ku Wacad furay ?
Madawayne muuse Biixi Wuxuu Doonayaa inuu Xakameeyo Siraha Sida khaldan uga Soo Baxa Madaxtooyada Hargeysa, laakiin Muuse Biixi hoostiisaba muu eeging
Waa Xaaraan in Sirta Qaranka La Sarifto Waliba Hab Laab La kac ah.
Waa Xaaraan in Awoodaha Qaranka iyo shaadhka dawladnimada ay ku wada joogaan shacabka reer Somaliland caadifad, dhaqan fool-xun yo Suuq Madow loo Adeegsado oo beel ama koox-yar oo qoys xaafad ah ka soo wada jeedo ka arrimiyaan horumar ummadeed, waxa laga dhal-xaa ceeb iyo qudhun laf jab ah.
Haddii aan wax Laga Badalin, sida loo socdo ,waxaan bulshada la wadaagi doonaa Hagar Daamooyin Madawayne Muuse Biixi ka Sokeeya Oo hoy u ah Madaxtooyada Iyo labada Islaamood ee aqalka Madaxweyne Muuse Biixi ee Hargeysa.