“Waar inta uu ku fadhiyo kursiga madaxweyne Muuse Biixi ee shantaa sano aynu ku ilaashano Habar-awaley, Nacab baynu leenahay ka soo jeeda Somaliland…”

0
266
“Waar inta uu ku fadhiyo kursiga madaxweyne Muuse Biixi ee shantaa sano aynu ku ilaashano Habar-awaley,
“Waar inta uu ku fadhiyo kursiga madaxweyne Muuse Biixi ee shantaa sano aynu ku ilaashano Habar-awaley,

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka tirsan Mudanayaasha aqalka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa hadal macno ahaan u dhacaaya in dhamaan dadka ku abtirsada magaca madax-dhaqmeed ee ka soo jeeda Somaliland ay marshuuc ama arrimo lid ku ah jiritaanka dawladnimada iyo madax-banaanida Somaliland la soo baxeen, isla markaana xildhibaan Dayib Xasan AXMED  oo ka soo jeeda beesha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka  difaacay inaadeerkii Muuse Biixi Cabdi eeddaha iyo khatarta uu xilliga ku hogaamiyey cabsidana laga qabo in burburto nabadgelyada Somaliland.“Suldaan caytamay, ama caaqil caytamay ama madax-dhaqmeedka oo dhan isku daroo ee  Somaliland oo caytamay. Laguma ogayn waa wax ay immika la soo baxeen  dhamaan madax-dhaqmeedka Somaliland oo gedu-gediisii maaha ee waa wax ay la soo baxeen.”Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Dayib oo beesha Muuse Biixi ah ee Habar-awal.

Xildhibaanku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi. “Waxaan leeyahay, waar inta ninkaas (Muuse Biixi) ku fadhiyo kursiga madaxweynaha, shantaa sano aynu ku ilaashano Habar-awaley . Markaa waxaan soo jeedinayaa, talo ahaan. cid kasta oo dan ka leh Jamhuuriyada Somaliland. Nacab baynu leenahay, aan ina ogolayn, in ay Somaliland jirto aan ogolayn.Nacabkaa waxa ku jira dad ka soo jeeda Somaliland oo ku dhex jira khilaafka Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro. Dadka aan sheegayo, waxa  weeye Xamar ee dadka Farmaajo la shaqeeya, oo ay ka mid yihiin kuwa magacaaba dadka.”Ayuu yidhi Xildhibaan Dayib oo waraysi siiyey Saab TV.

Emial:- Baraarugnews@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here