Wada-hadalkii Khadka Telifoonka Ku-dhexmaray MujaahidAxmed Mire iyo Kornaylada Biixi Iyo Kaahin Doorkii Ku Lahaayeen Xasan Ciise Iyo Mujaahid Dhagaweyne &Basaasiinta Kornayl Muuse Ugu Jira Shirka Beesha Garxajis

0
2887
Baraarugnews.net

Gacan-libaax,(Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyo Wasiirkii arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa markii beelaha garxajis ku dhawaaqeen shirka wakhti xaadirkan uga socda buurta Gacan-libaax ee Gobolka Saaxil, waxay galeen ololo-weyn iyo kaabeyn culus oo ku qaadeen, siddii shirkaa u joojin lahaayeen, Balse labada Kornayl Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ayaa geed dheer iyo geed gaaban oo u fuuleen joojinta shirka beesha Garxajis ku guul daraystay inay joojiyaan shirkaas ka furmay ee hadda beesha Garxajis uga socda buurta Gacan-libaax.
Xogo dhab ah, kana ag-dhaw Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa xaqiijiyey in Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin xidhiidh khadka telifoonka ah kula xidhiidheen Mujaahid Axmed Mire intuu ku sugnaa Dalka Ingiriiska, isla markaana xidhiidhkooda ay ka shaqeeyeen Xasan Ciise Jaamac Iyo Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne iyo xubno kale oo ka mid ah siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga iyo toosinta oo u badan mujaahidiintii ururkii SNM ayaa ka shaqeeyay inay isku xidhaan mujaahid Axmed Mire iyo Muuse Biixi, isla markaana Xasan Ciise Jaamac, Ibraahin Dhagaweyne iyo siyaasiyiinta Madasha oo iyaguna qayb ka ahaa ayaa u yeedhay Mujaahid Axmed Mire, kuwaasoo la sheegay in hadalkii khadka Telifoonka ku dhex-maray uu ku wajahnaa shirka beesha Garxajis, taasoo la tilmaamay inay Axmed Mire ku yidhaahdeen kaalay oo maanta u tali beeshaada, gaar ahaan beesha Habaryoonis oo ka shakiyeen qodobada ay ka soo saarayaan shirka halis iyo khatar ku noqota madax-bannaanida iyo gooni isu-taaga Somaliland. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Muuse Biixi iyo mujaahidiinta kale ee Xasan Ciise Jaamac iyo Ibraahin Dhagaweyne iyo Maxamed Kaahin ku yidhaahdeen Axmed Mire ninkan kaalay oo reerka ka qabo, kaasoo uga jeedeen Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro, Balse waxa la sheegay inay Cirro ku tilmaameen nin ay u talinayaan Ganacsadayaal ku xidhan soomaaliya oo aanu aheyn Cabdiraxmaan Cirro nin caqligiisa ku soconaaya ee la wato, marshuucna ku soo qaatay burburka Somaliland. Balse xogahaa oo lagu kalsoon yahay ayaa xusay in markii ay wada hadlayeen Axmed Mire iyo Muuse Biixi iyo mujaahidiinta askarta ah ee SNM ku yidhaahdeen AXMED Mire midhihii iyo tacabkii naftaada aad ku biimaysay duruufta iyo nolosha xun u soo martay ayuu kala daadinayaa Cabdiraxmaan cirro. “Wixii aad naftaada ku biimaysay iyo tacabkaagii ninka kala daadinaaya kaalay oo reerka ka qabo oo u tali reerka. Maanta wuxuu doonayaa innuu isku dilo oo midhihii aynu u soo halganay burburiyo kaalay oo reerka ka qabo oo uga tali qofka cayn iyo sida uu yahay la garanayn ee xanuunka reerka la dhex-wareegaaya.”Sidaa ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen erayadii Axmed Mire iyo kooxda Muuse Biixi iyo Xasan Ciise Jaamac iyo Ibraahin Dhagaweyne la hadlayeen Axmed Mire, sidaana ku yimi Mujaahid AXMED Mire.
Geesta kale, xogo kala duwan ayaa xaqiijiyey in rag ka soo jeeda Beesha Ciidagale oo abti u ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku dhex-darsaday shirka beesha Garxajis oo warka iyo wax kasta oo lagu wada hadlayo daqiiqad kasta hoosta uga soo sheegayaan, isla markaana Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka mid ah xubnaha lagu darsaday shirka Garxajis, isla markaana xukuumadda Muuse Biixi ayaa siweyn uga qayb ah shirka oo isu-badelay shir qayb weyn ka qaadanayso ama wax ka wado shirka xukuumadda Muuse biixi, taasoo beesha Ciidagale isu-badeshay mid u shaqaynaysa xukuumadda Muuse Biixi.
Weedhihii Madaxweyne Muuse Biixi khudabii uu ka jeediyey xuskii 26 juun ee uu ka sii hadlay shirka buurta Gacan-libaax ee beesha Garxajis, ayaa marqaati u ah siday uu u dhacayey hadalka Muuse biixi iyo Axmed Mire oo muujinaaya ama ku tusaaya sawirka inay wada socdaan kornayl Biixi iyo AXMED Mire, waxaanu u dhignaa hadalkii Axmed mire ka jeediyey shirka beesha Garxajis sidan:-“Waxaan idin sheegayaa Guud ahaan waxa ka soo baxaaya shirka Garxajis innuu noqdo in qofka reer Somaliland ah, halka ugu bariyaysan iyo qofka reer Somaliland ee halka ugu galbeedaysan degan innuu noqdo midhaha aynu soo saarayno wax qancin kara oo ku naalooto bulshadu. Waxa kale oo rajaynaynaa inay ka soo baxdo inaynu noqono kuwii dadka isu ururinayey ee ummadda midaynayey inaynu noqono. Yaynaan noqon kuwii ummadda kala qoqobayey ee kala qaybinaaya, isku dilaaya ee isku diraaya ee iska horkeenaaya ummadda. Waxaynu rabnaa innuu ka soo baxo shirka midhihii aynu gashanay halkanka, dhiigii daatey, raggii ku go’ay iyo wixii ina soo maray taariikhdii yaaney ku lumin habaa’an mansuura oo yaaney dabayli idin qaadin ee ay noqoto mid dadka dhaqda.”Ayuu yidhi Axmed Mire, halka Muuse Biixi cidda uu sheegayey ee uu lahaa cid tacab badan dalkan galiyey ee uu sheegayey ay ka mid yihiin Axmed Mire iyo rag kale oo uu ka mid ah Suldaanka Beesha Ciidagale Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah raga Muuse Biixi kula taliyey inay ka qayb noqdaan shirka, madaama markii hore uu suldaan Cabdiqaadir ka soo horjeeda shirka beesha Garxajis, iyadoo xukuumadda Muuse biixi dad badan ku dhex-darsatay shirka buurta Gacan-libaax ee Garxajis.
“Shirka ka socda Gacan-libaax, waxaan ummadda u sheegayaa innuu ku soo gebo-geboobayo, haddii alle yidhaahdo wax Somaliland ku faraxdo. Waxaan idin sheegayaa shirka maan joogin, ajadihiisana kama qayb galin, laakiin kur-waayeel waa wada indho. Waxaan hubaa, sidaan wadkayga u hubo inay ka soo baxayso Midnimada Somaliland waa muqadis iyo qaran-nimada waa muqadas beelaha Somaliland nabad ayaanu kula noolaanaynaa, xukuumadda waa la wada leeyahay, ”ayuu yidhi Muuse Biixi, iyadoo hadalka Muuse Biixi ku cadaynayo inay qayb weyn ku leedahay shirka beesha Garxajis oo qayb ka tahay xukuumadda Muuse biixi.
Sidoo kale, Dadka Muuse Biixi ka socda eek u jira shirka Beesha Garxajis waxa ka mid ah Cali Waran-cade oo wali haya jagadii Madaxweynihii hore u magacaabay Axmed Siilaanyo ee la taliyaha madaxtooyada dhinaca xidhiidhka Itoobiya, isagoo Cali Waran-cade ka mid yahay xubnaha basaasiinta ah ee uu soo dirsaday Muuse Biixi Cabdi macluumaadka uu Muuse biixi ka turjumaysay khudbadii uu jeediyey waxay u dhacaysay in wax kasta oo ka soo baxaya shirka muuse biixi siwacan ula socdo oo uu og yahay, waxaana cadayn u aheyd maahmaahdii uu ku maahmaahay ee soomaaliga aheyd, isla markaana xubnaha kale ee Muuse biixi u shaqaynaaya waxa ka mid ah Duur shirkaa ayaa noqday mid beesha Ciidagale ka dhigtay xukuumaddii Muuse biixi ka taliso qodobada ka soo bixidoona.
Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here