Waddamada Jabuuti iyo Ethiopia waxay innagula jiraan dagaal dhaqaale oo aynaan ogayn:-

0
313

Shidaalkii oo Ethiopia innooga yimaada Yaab, Internetkii oo jabuuti innooga yimaada yaab, Qaadkii oo Ethiopia innooga yimaada yaab, dekadda Jabuuti oo Ganacsato badan u wareegtay Yaab, Free Zoonkii oo jabuuti innoogaga horreysay Yaab, Sixir bararka oo xadhkaha goostay Maxaa sabab u ah maxaase xal u ah?

Intii aynnu isku maqnayn iyo intii aynu xaaladaha siyaasadeed ee qabyaaladda leh ku jirnay dhaqaalihii dalku wuxuu hoos u dhacay 50% ciddina ma oga kii ogaanna wuu ka aamusay , meelkasta oo dawladda dakhli ka soo gali jiray waa laga wareegay oo dalalka jaarka ayaa shaqaddii innoo qabtay, miyaad rumeysan in Ethiopia oo aan dekad lahayni uu shidaal inooga yimaada maxaa se sabab u ah? Bilihii u dambeeyay waxa dalka Ethiopia innooga imanayay Shidaalkii ka iman jiray magaalada Berbera iyo Haamaha shidaalka, markii ay ganacsataddu shidaalka ka keenni jirtay Haamaha shidaalka waxa dawladda ka soo gali jiray cashuur sax ah oo la garannayo booyadkasta iyo qaadkeedda halkaanna dawladu waxay ku helli jirtay lacag cashuur ah oo doollar ah oo caddaan ah se intii ay u wareegeen ganacsaddii shidaalku Ethiopia waxa hoos u dhac wayni ku yimi cashuurtii ka soo gali jirtay shidaalka dalka soo galla sababta oo ah Marka shidaalka laga keenno Ethiopia waxa badanaya kootarabaanka oo meelo badan ayaa laga soo dusinnayaa sidoo kale Kastamadda cashuuraha ee Xaggaas ku yaallaa ma garan karaan qaadka booyadda mana haystaan Qalab lagu cabbiro, markii aan waydiiyay sababta shidaalka looga soo waarido Ethiopia waxa laygu jawaabay wuu ka jaban yahay, su’aashii labaad ee aan haddana waydiiyay haddaa maxaad shidaalka u jabin waydeen sawkan wali qaaliga ah jawaabteedda way ka aamuseen markaa dawladda gaar ahaan wasaaradda ganacsiga iyo maaliyadda waxa laga sugayaa innay ka jawaabaan sababta shidaalka looga keenno Ethiopia isagoo keennii buuxo haddii aannu kootarabaan ku jirin, sidoo kale waa in ay isku soo dhaweysaa ganacsatadda iyo maamulka haamaha oo wixii dhexdooda ka jira la xaliyo si aan dalka cashuurta looga tahriibin, haddii aan tusaale ku siiyo Berbera haddii ay yimaadaan 100 booyadood habeenkii ma ogtahay in ay dhaqaale soo galinnayaan boqolkaa booyadood iyo shaqaalahooduba ay u baahan yihiin cunto hurdo iyo adeegyo kaleba se intiiba imika waxay galiyaan ethiopia taasina waxay u baahan tahay fahan iyo indheer garadnimo.

Internetka: Internetkii ayaa isna Jabuuti innooga yimaada, xoggihii dawladeed , ganacsiyeed , bulsheed intuba xaggaasay ku sii nasanayaan , wasaaradda Isgaadhsiintu miyaannay awoodin innay Internet ka soo jiidato Cumaan ama Dubai ka dibna shirkadaha ka iibiso. Haddii aannay awooddina ay u xilsaarto cidda awoodda leh.

Qaadka: qaadka ayaa isna ah dhibbaatooyinka ugu waaweyn ee dalkeenna ku habsadday waxaannu innooga yimaaddaa Ethiopia oo dhaqaale badan ayaa innooga baxa taasna waynu ognahay markaa waxaynu u baahan nahay in Qaadkkii dadkii laga wacyi galliyo oo cashuurtiisa la kordhiyo si aannay cidkastaa u cunnin ama u iibin, sidoo kale in Ethiopia lagala hadlo sidii ay innooga joojin lahaayeen ama aynu ganacsiga isku waydaarsan lahayn.

Dekadda Jabuuti: dekadda jabuuti waxay u tafo xaydatay sidii ay dekada Berbera u baabiin lahayd waxaannay sammaysay adeegyo sarreeeya iyo qiimo dhimis balaadhan innaga wali waxbadan baa innaga khaldan waxaanad ka dareemaysaa ganacsato badan oo u wareegay dekada Jabuuti oo ka hellay adeeg ka wanaagsan kan Berbera taasinna waxay u baahan tahayn daraasayn iyo iswaydiin ka dibna xal iyo wax ka beddel.

Bilawgii ay DPWorld la wareegtay Dekadda Berbera waxa bilaabmay oo wararka ku jiray in Free Zone laga sammaynayo dalka se wali waa la sugayaa ta kale jabuuti oo tartan innagula jirtayna markii ay maqashay waabay bilawday oo dhammaysay kadibna xadhiga ayay ka jartay innagoo arkayna.

Ujeeddada aan u qoray maqaalkan waxay iga ahayd innaynu baraarugno oo ogaanno in dhaqaalaheennii hoos u dhacay, adeegyaddii aynu qabsan jirnayna ay waddamada jaarku innoo qabtaan hadday shidaal tahay iyo hadday adeeg dekadeed tahay, sidoo kale in la ogaaddo haddii adeeg ka jiray dalkaaga laga doonto dal kale taas macnaheeddu waxa weeye in dhaqaalahaagii hoos u dhacayo oo uu saammeyn ku yeellanayo halkii uu adeegaasi ka jiray.

Sixirbararka: Sixirbararku sida aynnu ognahay waxa uu goostay sanadkii u dambeeyay xadhkahaa, sixir bararkii dalka ka jiray haddii ay sarif tahay iyo haddii ay Alaabtii loo baahnaa ee aasaasiga ahaaba ay tahay isbeddel wayn ayaa ku dhacay waxaanay galaafatay nolosha dad masaakiinna, marka uu dalku sixir barar ka jiro waxa dawladda looga fadhiyaa innay cashuurta dhinto mashaariicanna bilawdo oo fuliso, marka laga hadlayo “Fiscal Policy” wuxuu inta badan ka hadlaa in marka waddanku dhaqaalihiisu kobco cashuurta la kordhin karo sidoo kale in marka waddanka dhaqaalihiisu hoos u dhaco cashuurta la dhimo oo aan dadka la dhibin se innagu waxaynu u shaqaynaa taa caksigeedda oo marka dhaqaalaha dalku hoos u dhaco ayaynnu cashuuraha kordhinnaa oo aruursannaa, ka dibna maskiinkii yaraa ee aan shaqada haysan maalinta uu waxyar soo shaqaysto waakan la kulmay isbeddel maceeshadood oo ka badan kii hore waaka niyad jab iyo dal nacayb gallay marka biyihii, raashinkii waxkasta qaaliyoobaan taasinna waxay u baahan tahay in aqoonta dhaqaalaha ee ku duugan wasaaradda maaliyadda sideeda looga faa’iideysto.

Waxaan halkan ku caddaynayaa in waddamadda Jaarku waa Jabbuuti iyo Ethiopiyee ay innagula jiraan dagaal dhaqaale oo aynaan ogayn taasinna ay u baahan tahay in dawladdu fahanto oo ka jawaabto.

Markasta oo dhaqaaluhu hoos u dhaco waa in la is waydiiyaa caqabadaha ku soo wajahay meelihii ay dhaqaaluhu ka soo xaroon jireen go’aanno xal ahna laga gaadhaa.

Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)

farxaanmxd@gmail.com

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Article: 325

Tell: – 063-4400319

Berbera.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here