Wakiilka Shirkadda Somcable Maxamed Aw Siciid Oo u basaasa Somaliland qoyska Madaxweynaha Dalka Jabuuti

0
414
Adeegii Internaydka Ay Bixin Jirtay Shirkadda Somcable Oo Guud Ahaan Laga Jaray Gudaha Somaliland &Sababaha Keenay
Adeegii Internaydka Ay Bixin Jirtay Shirkadda Somcable Oo Guud Ahaan Laga Jaray Gudaha Somaliland &Sababaha Keenay

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Shirkadda isgaadhsiinta Internaydka ee SOMCABLE, ayaa dhamaan laga jaray gudaha Somaliland,isla markaana shirkadda Somcable, ayaa waxa leh qoyska Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Khadra Xayd.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in roobab waa weyn oo ka da’dalka Jabuuti, ayaa la sheegay innuu sababay in adeegii internaydka ay bixin jirtay shirkadda Somcable uu waxyeelo soo gaadhsiiyey roobab mahiigaan ah oo ka da’ayu gudaha dalka Jabuuti, isla markaana internaydka Somcable oo ay maamusho ama gacanta ku hayso dawladda Jabuuti ay markasta oo xaalad saameyn leh ka dhacaan gudaha dalka Jabuuti uu wada ka baxo adeega internaydka ay bixiso shirkadda Somcable ee laga is ticmaalo gudaha Somaliland.

Wakiilka shirkadda Isgaadhsiinta internaydka ee Somcable Maxamed Aw-siciid, ayaa xilligii dawladda Somaliland ay u ogolaanaysay shirkada SOMCABLE la aasaasay sanadkii 2010-kii oo kooto loogu xidho xadhiga fiber optic ga wuxuu u sheegay dawladda wakhtigaa in xadhiga Fiber Optic-ga internaydka la soo dhigayo, lagana soo jiidayo badda  ee xeebta Saylac, balse wakiilka shirkadda Somcable Maxamed AW Siciid oo ilmaadeer yihiin ama isku qoys yihiin haweenayda uu qabo Madaxweynaha Jabuuti Khadra Xayd ayaa been iyo khiyaamo ku sameeyay dawladda Somaliland iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee loo sheegay in Fiber Optic internaydka ah la keenayo dalka Somaliland, kaasoo lagu tilmaamay in xawaare aad u badan oo dhanka internaydka ah helayaan shacabka Somaliland.

Sidoo kale, maaha markii ugu horaysay ee uu go;o ama wada ka baxo internaydka adeega ah ee ay bixiso shirkadda Somcable, lakaiin marar badan oo wax ka dhaceen dhanka gudaha dalka Jabuuti ayaa la xidhay oo hawada ka saartay dawladda Jabuuti madaama xarunta laga maamulo tahay Jabuuti., balse Maxamed AW Siciid ayaa khiyaamo ku kacay, madaama heshiiskii loo saxeexay ahaa in laga soo jiido xeebta Saylac oo la soo dhigo xadhiga bada Somaliland.

Office Hargeysa:-Emial:- Baraarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here