Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco oo qoraal ku qoray barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee facebuugiisa, ayaa qaab caadifad iyo aqoon daro weyn ka muuqato kaga hadlay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya farmaajo, isla markaana Maayarka Hargeysa oo ka soo jeeda Beesha Muuse Biixi, ayaa hal qodob oo sharci ah ama nidaamka dabiyada shacab dal marka dawladi xasuuqdo ama lagu eedaynayo maamulka xilligaa talada xukunka hayey loo soo qaato aan ku salayn qaab aqoon sharci iyo waxyaalaha arrimaha dad rayid ah oo la laayey kiisaska loo cuskado dhanka sharciga ee maxkamadaha.
Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Solteelko oo hadalkiisa macno ahaan u dhacaayey qabiil ayaa sheegay in hadalkii raaligalinta ahaa Ee Farmaajo ka bixiyey Xasuuqii Dawlada Maxamed Siyaad Bare ay u gaysatay Shacabka Reer Somaliland ayaa u dhignaa sidan:- “Dhiig dad raali galin lagama sameeyo ee qisas baa laga sameeyaa. Walaahi wixii umada Jamhuuriyada Somaliland ku dhacay xitaa kala noqosho kuma filna, markaynu is Aqoonsano laba Waddan kabacdi ayaynu diyo qaadan karna, maqaadan karno raali galin tiiqtiiqsi ku jiro”ayuu yidhi maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud (Solteco).
Office Somaliland Email:-Bararaarugnews@gmail.com
Caarshe7@hotmail.com