“Wallaahay U Dul-qaadan Mayno In Ragga Waa Weyn Ee Habar-awal Maalin Wal-ba Cayaan Axmed Siilaanyo, Aniguna Nin Wal-ba Kitaabkiisa Ayaan soo faqayaa oo…”

0
1593
“Wallaahay U Dul-qaadan Mayno In Ragga Waa Weyn Ee Habar-awal Maalin Wal-ba Cayaan Axmed Siilaanyo, Aniguna Nin Wal-ba Kitaabkiisa Ayaan soo faqayaa oo…”

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif, ayaa ku hanjabay innaaney u dul qaadan doonin masuuliyiinta isku beesha yihiin kornayl Madaxweyne Muuse Biixi, kana tirsan xukuumaddiisa iyo siyaasiyiinta kale ee dhamaan beesha Habar-awal ee hadalada aflagaadada iyo eedda dusha kasaarayaan kuna bahdilayaan sharaftii Madaxweynihii hore ee xilka ka degay Axmed Siilaanyo, isla markaana marar badan oo kala duwan ayaa siyaasiyiin ka tirsan xisbi-xaakimka talada haya ee Guddoomiyana  ka yahay Muuse Biixi ee xisbiga Kulmiye ayaa ku eeddeeyay AXMED Siilaanyo iyo qaar ka mid ah Wasiiraddii beesha Madaxweynihii horena ka soo jeeda beeshiisa Habarjeclo inay boobeen dalka oo Musuq-maasuq baaxad weyn dhacay intii uu xilka hayey Axmed Siilaanyo, iyadoo hadalo noocaas iyo waxyaalo ka sii xun ku eeddeeyeen Madaxweynihii hore axmed siilaanyo xukuumaddisii siyaasiyiinta ku jira xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda Muuse Biixi ee dhalasho ahaana ka soo jeeda beesha Habar-awal. “Abdulkariim Ahmed Mohamed Waar hoy raggan waa weynow ciddii kale ee aad eryanaysaan ama wax ka sheegaysaan waa yeelkiin, Laakiin Axmed SIILAANYO iskaga hadha.  wallaahay raga waa weyn  ee maalin wal-ba Cayaaya AXMED Siilaanyo iyo xukuumaddiisii u dul-qaadan mayno, haddii kale nin walba kitaabkiisa ayaan, anigu soo faqayaa oo dabagelayaa.
Odayga halla nabad geliyo ciddii kale ee aad daba gelaysaan idinkala hadli maayo.

Waar Axmed siilaanyo wax-ba muu musuqmaasuqin, kuwa siilaanyo ka hadlayow nin walowba waxaad qaadday iyo waxaad cid u qaraabo kiishay-ba waa laguu hayaa, iyadoo qoran.

Hadda wixii ka danbeeya rag waa-weyn ayaan juuq dhawrayaa,”Siyaa ayuu ku sheegay qoraalkan oo uu ku faafiyey barta uu ku leeyahay Baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee  facebuugiisa ayuu ku baahiyey.

Haddaba qoraalka uu ku faafiyey barta Facebuugiisa Cabdikariin Xinif, ayaa daba socda markii todobaadyadii aynu soo dhaafnay ay ku eedeeyeen Eng. Maxamuud Xaashi Cilmi, Jamaal, xildhibaan Naasir iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood ka tirsan xukuumaddaMuuse Biixi Cabdi iyo xisbiga kulmiye oo Guddoomiye ka yahay Madaxweyne Biixi, in Musuq-maasuq iyo dhamaan ay boobeen hantidii shacabka masuuliyiin ka soo jeeda sida WASIIRADDII Xukuumadii hore ee xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo boobeen dalka, kuwaaso oo dhamaan dadka ay farta ku fiiqeen wada yihiin beesha Habarjeclo, iyadoo beesha Habar-awal ee madaxweynaha ka ah Somaliland-na ay faafiyeen muuqaalo iyo borobogaadho ka wadaan goobaha bulshada, kuwaas oo dhamaan tood u sheega shacabka inay boobeen beeshii hore ee madaxweyne siilaanyo dalka, iyagoo isleh ku qariya kuna deda fashilaada iyo hogaan xumida maanta hadhaysay iyo halka ay marayso Somaliland oo meel halis ah, laakiin hadalka Xinif ayaa u dhacaaya macno ahaan Haddii Beesha Habar-awal eek u hawlan inay ku aarsadaan ama waxyeelo iyo eedaha loo soo jeedinayo qaabka saamiga Xukuumadda Madaxweynaha ka yihiin ee Muuse Biixi iskaga leexiya beesha madaxweynihii hore Axmed siilaanyo ee Habarjeclo, taasoo is leeyihiin caqligooda sida ay ku fekerayaan inay Indhaha iyo kacdoonka Beesha Garxajis ee ka godoodsan dawladdan iyo dalka Somaliland oo isu-badelay habar-awal inay ka jeediyaan indhaha iyaga haysta.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here