War Maxaad Aheyd? Cawrala Dahir

0
282
War Maxaad Aheyd? Cawrala Dahir

Punland,(Baraarugnews.net)-Markasta oo aad wax baxsato ka badan ayuu Alle ku siin:-

heeko ku dhacday Abbahey:.Aabbahey Allaha u naxariisto ayaa isagoo meel beer uu ku tacbado jooga anaguna yaryar nahay ayaa habeen tuug usoo dhacay, tuugii wuxuu cabay caano yar oo Weel ku jiray oo caruurta loogu talo galay.

Abbahey isagoo salaad u soo kacay ayuu tuugii la kulmay, markaasuu weydiiyay (war maxaad ahayd)? Maxaa saacaan guryaha islaameed ugu soo dheceysaa? Markaasuu ku jawaabay Adeer waan gaajeysnahay.

Aabbahey wuxuu siiyay cunto yar oo habeenkii soo hartay iyo shilimaad yar uu ku yiri orod adeerow guryaha inaad u dhacdo ma fiicnee Alle haku deeqo.

Ninkii xoogaagii Aabbe siiyay ayuu suuqa ku galay, dadaal uu sameeyey kadibna wuxuu noqday nin soo dejiya dharka oo dukaan weyn Carwo ah ka furtay bakaaraha. Yaan war idinku daalininee aduunyada ayaa maalinba noocee, dhowr iyo toban sanno kadib, Aabbehey isagoo iska waayeel ah caruurtuna badan tahay ayuu suuqa tagay dhaqaale yarina waa ay jirtay. Wuxuu is lahaa waa ciidee caruurta huudhey (second hand closes) usoo gad.

Siduu suuqa u wareegayay ayuu nin u yimid markaasuu dhar ka gorgoriyay, kadibna qaali ay ku noqdeen. Ninkii oo Aabbahey aqoonsaday ayaa ku yiri Adeer waxaad doonto qaado, xoogaa lacag ahna waa sii siiyay. Aabbe ayaa weydiiyay isku key sheeg. Wuxuu yiri waxaan ahay ninkii habeen gurigaaga u soo dhacay ee aad caanaha iyo lacagta siisay ee aad usii duceysay.

Waxaad baxsato waa helee aakhiro iyo aduunba.

Waxa qortay Cawrala Dahir

Email:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here