Warbixin: khasaaraha Roobab Ka Da’ay Hargeysa

0
168

Warbixin ku saabsan khasaarihii ka dhashay Roobka caawa ka da’ay magaalada Caasimada Hargeysa iyo badbaadooyinka ciidanka Dab-demisku sameeyeen.

1-Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa waxaa laga soo badbaadiyay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo daadku la tagey, waxaana la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

2-Dooxa weyn gaar ahaan aaga Hotel Maamuus waxaa daadku la tagey laba gaadhi oo kala ahaa Vitz iyo Iskarogo, hasayeeshee waxaa ciidanku ka samatabixiyay dadkii saarnaa Gaadiidkaas.

3-Dagmada Gacan_Libaax gaar ahaan Iskuulka Imaaraadka laag u dhaw waxaa laga soo badbaadiyay gaadhi Lancruiser ah.

  1. Dab ka kacay guri buul ah oo ku yaala barakacayaasha Malawle ee degmada Ibraahim Koodbuur, ciidanka ayaa ku guuleystay daminta dabkaas.

5.Laba gaadhi oo laago laga saaray degmooyinka Axmed dhagax iyo Maxamuud Haybe.

  1. Isgoyska Total Shoodh laydh ka kacay biraha xayaysiisyada ayaa isagana ciidamadu damiyeen.

Info@fire.govsomaliland.org
990 Emergency Service

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here