Wariye Cali Mahdi Jibriil Xasan Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta tartanka aqooneed  lagu Qiimaynayey aqoonta Wariyeyaasha Ka Hawl-gala Telifeeshanada ee barnaamijyada ka diyaariya nolosha arrimaha bulshada ee Somaliland.

0
83

Hargeysa, (Baraarugnews.net)- Wariye Cali Mahdi Jibriil Xasan Sheekh, oo ka hawl-gala Telifeeshanka Eryal, ayaa noqday sanadka 2019-ka ee dhamaadka ku jira suxufiga ugu fiicnaaday ka soo waranka dhanka barnaamijyada arrimaha bulshada eek u salaysan nolosha shacabka reer Somaliland, isla markaana Wariye Cali Mahdi ayaa ku guulaystay qiimayn lagu sameeyay suxufiyiinta ka warama nolosha arrimaha bulshada ee ka hawl-gala gudaha Somaliland, isagoo noqday wariyaha ugu fiicnaaday telifeeshanada ku hadla afka soomaaliga ee gudaha Somaliland.Wariye Cali Mahdi Jibriil Xasan Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta tartanka aqooneed  lagu Qiimaynayey aqoonta Wariyeyaasha Ka Hawl-gala Telifeeshanada ee barnaamijyada ka diyaariya nolosha arrimaha bulshada ee Somaliland.

Sidoo kale, Wariye Cali mahdi ayaa barnaamij iyo warbixino uu kaga hadlayo saameynta ay ku yeelatay colaadaha iyo dagaalka muddo ku siman afar sano oo dagaalo soo noqnoqday laba beelood ku dhexmaray deegaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland soo bandhigay saamaynta colaada soo jiitamaysay ee daba-dheeraatay in xal iyo nabadgelyo laga gaadho iyo barnaamijyo kale oo Wariye Cali Mahdi diirada ku saarayey dhanka biyaha iyo caafimaadka adeeg ee ay helaan shacabka ku dhaqan gudaha dalka Somaliland ayuu kaga qayb galay tartanka aqooneed oo lagu kala sarayey xaga tayada iyo aqoonta Wariyeyaasha barnaamijyada Telifeeshanada ka diyaariya arrimaha la xidhiidha nolosha arrimaha bulshada ee shacabka Somaliland


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here