“Wasiir Maxamed Kaahin:-Waa Basaas u qaabilsan Dawladda Itoobiya Somaliland

0
46
Wasiir Maxamed Kaahin:-Waa Basaas Itoobiya u qaabilsan SOmaliland
Wasiir Maxamed Kaahin:-Waa Basaas Itoobiya u qaabilsan SOmaliland

Muqdisho,(Baraarugnews.net)ciidamada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeys iyo ciidamada soomaaliya ee magaalada Muqdisho, si isku mid ah ayey shacabka ula wada dhaqmayaan oo tacadiyada ka dhacaaya Hargeysa iyo Muqdisho qaabka loo hagaayo waa isku mid oo waxaad moodaa inay isku xidhan yidhii dacaiyada ciidanka soomaaliya kula kacayaa shacabka Muqdisho iyo ciidamada Somaliland ee Magaalada Hargeysa eega siday wax u samaynayaan. xitaa galabtii, sida ay dadka ugu garacayaan suuqa waaheen iyo dhalinyarada muruq-maalka ahbee Telesom iyo ilaa cadaani dharka iyo kabaha iyo alaabooyinka kala duwan ku iibiya u garacayaan argagax ayaa ku dilaysa. Waxa ka sii daran haweenka la dilayo, halka salaada casar laga soo baxay ayaan wakhti marayey waxaan la kulmay laba jeer askar boolis ah oo gaadhi dhayna ah wata oo baad ka qadaaya ciyaalka muruqd maalka ah ee suuqa waaheen.Ma jirin wakhtiyadii hore, laakiin arrimahaasna dhawaan ayey bilaameen haddii laga hortagin oo askartaasi Casarka gaadho ee Jaadku ku soo go’o ayey lacag jaad ah wax ugu yeedheen Qarxisa qaadka fiidka ayaa laga qadaa dhalinyartaa booliska dawladda hoose ayaad ugu badan hawlahaa oo ku shaqaysta.. Inkastoo oo aan arrimahaa baadhitaan ku sameeyay, xaqiiqda dhabta ah ee maanta somaliand ka dhex socda waxa weeye wadamo shisheeye ah ayaa gacanta kula jira oo immika qayb ka ah maamulka xukuumadda Muuse Biixi, Waana Imaaradka Carabta iyo shirkado yaryar oo macdan iyo balaayo ka qodaayo buuraha bariga Somaliland ee dhankaas, walina waxa ka daran shirkadahaas waxa ku hoos jira qaar aan magacooda la sheegin oo xitaa kuma ogolaanayso wasiirkamacdan xukuumadda Muuse Biixi inkastoo aan ka hadhin, laakiin waxa qayb ka ah dadka deegaanka oo lagu qancinayo shaqaalaha intaas keena waanu idin kordhinay marka cawdaan. Haddii Aan Idin Xasuusiyo, xilligii Taliskii Digreega Itoobiya dhacay, waxay shaacisay ha’yadda u qaa’bilsan sirdoonka In Maxamed Kaahin Axmed yahay shaqaalaha sirta uga soo gudbin jiray Gudaha Somaliland, markaa, aniga wuu iga diiday waraysi, ee kuwa maalin kasta u galaana afkiisa ayey ku hadlaan ee waydiiya shaqadii Digreega. Dadka gubaya xaafadaha ee ka mid ka aheyd maalintii dhaweyd waa xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa, dhanka xiga Buurta Naas-habool ee ha’yaduhu u dhiseen xillligii Axmed Siilaanyo, waxa goor habeenimo ah aqal xaafadaa ku yaala walina, ninkaas oo ka soo jeeda beesha Biciide ee Habrjeclo la qabadsiiyey Dab, wuuna ku dhintay. Waxa Jirta cadaymo muuqaalo ay si toos ah uga duubeen Wariyeyaal ka hawl-gala Qaybaha Warbaahinta Baraarugnews.net or BARAARUG TV RADIO. Ninka u qaabilsan Degmada Macalin Haaruun dhinaca Jometerka ee mitiriya dhulka ee Gacan oo xaafada ku leh aniga ayaa idinka qaaday dhulka haddii aad bartaa ka bixiweydo rasaas ayaanu idinla dhacaynaa. Waxa jira xaafadaha degmooyinka ku yaal kooxa ku dhisan oo maayarka Cabdiraxmaan Soltelko iyo Kuxigeenka Cabdicasiis Cagaweyne iyo xildhibaanada la socda iyaga ayey u wada dhiibeen degmooyinka. Odayaashii Beesha Ciidagale ee Maayarka ku dhawaaqay way sax sanaayee madaama waxan aanu soo aragnay ay ka jiraan gudaha Hargeysa waxa ka dhisan dawlad kale oo isugu jira Boolis ay maamulaan Maayarka Hargeysa iyo kuxigeenkiisa iyo xildhibaanada la socda, xitaa Xooghayaha Wasiirkan aan faraha waxba ugu jirin ee kaahin magacaabay ee dawladda Hoose ee Hargeysa ma oga arrinta. Hase yeeshee waxaanu aheynaa xitaa Guddoomiyaasha Degmada iyo kuxigeenada oo leh Maayarka iyo kuxigeenkiisa ayaa iska soo daba qoraaya waraaqaha oo umadii in la isku dilo ayey doonayaan, laakiin taas waxa ka daran kuwa maanta hogaaminaaya sababtoo ah waxyaabaha dhacaaya haddii ay baadhitaano ku sameeyaan wax badan ayey ogaan lahaayeen, laakiin Waxay taagan yihiin oo xilligii dagaalka sukeeye ayey odhanayaan kii wax sheegaba iyaga oo u haysta in cid kale ku soo dirtay ama la soo isticmaalay waa laga dambeeyaa. Innaanu muuqaaladaa baahin weyno waxa keenay markii ay xaafadihii arrimahan nagala shaqeeyey ay shadhka xaaranta ah ee SOmalilandta ku sheegayaan, ay dhibaato kula kaceen haween iyo dhalinyaro ka dib intaanu ka soo daynay ayaanu nidhi ma baahinayno.

Udaneeye/sha@gmail.com

Waxa qoray oo qaas u tahay Fuaad Ismaaciil Guulane


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here