Wasiirka Maaliyada Somaliland  Oo Ku Sifoobay Shakhsi Hadal Iyo Af-xumo Kula Dul-kufa  Beelaha Gobolada Bariga Somaliland &Ma Faysalkii Labaad Ee Beesha Ciidagale Baa Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Muuse  Biixi?

0
486

Burco,(Baraarugnews.net)-Wasiirka horumarinta Maaliyada xukuumadda  Somaliland, Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, ayaa ku sifoobay shakhsi hadalka aqoon oo ka dhac-dhaca, isla markaana Wasiirka maaliyada xukuumadda Kornayl Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa hab-dhaqano ku cusub masuuliyiinta xilalka Wasiirnimo ka soo qabtay dawladihii madaxweynayeyaashii hore ee soo maray hogaaminta shacabka reer Somaliland, isagoo Wasiirka maaliyada Yuusuf caadeystay innuu markasta oo uu hadlo aflagaado iyo dhalacayn bulshada beelaha aan aheyn beeshiisa Ciidagale oo yarkan Muuse Biixi ku noolaan jiray Gurigiisa ayaa meel kaga dhacay shacabka Gobolka Togdheer, Sanaag iyo Sool.

12-kii bishan soo saaray War-saxaafadeed noociisu ku cusub yahay nidaamka dawladnimo, kaddib markii uu soo bandhigay tartan cashuur ururineed oo u qabtay waaxaha cashuuraha beriga ee gobolada Togdheer iyo Awdal, isla maraakana dadalkaa Wasiirka, ayaa dhaliyey doodo xasaasiya oo ah inuu Wasiirku dagaal Siyaasadeed oo hoose kula jiro gobolada bariga Somaliland, isla markaana hab-dhaqanka noocan ah uu kaga gilgilanaayo fadeexado xil-gudasho la’aaneed iyo musuq-maasuq sababay inaanu korin wax soo saarka dakhli ee dalku.

Hadaba hadalkaa Wasiirka maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, ayaa waxa cadho ka qaaday bulshada gobolka Togdheer, kuwasoo sheegay in Wasiirka Maaliyada aqoon Iyo Waayo aragnimo la’aan ka hayso xadiga dal Iyo dhul ahaaneed ee gobolada bariga Somaliland, isla markaana uu Somaliland u haysto Hargeysa iyo Boorama, doodahaas oo si weyn loogu qaada-dhigaayey labadii maalmood ee u dambeeyey, ayaa nuxurkoodu soo bandhigaayeen in aanu Wasiirka Maaliyada ahayn shaqsi qaadi kara xilkaa, sidoo kalena lagula khaldamay.

Bulshada hadalkaa Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Raagge xanafta u arkay, ayaa isku xidhiidhiyey weedhahan Wasiirka ee hada iyo hadalkii hore ee aflagaadada ahaa uu kula kacay dadweynaha gobolka Sool. Teeda kale qaybaha bulshada, ayaa wax laala yaabo ku tilmaamay habkan uu dhacdadaa cashuuraha uga hadlay wasiirku, kuwaasoo sheegay inay aqoon daro Ka ahayd, Waayo? weli may dhicin in Wasiirka Maaliyadu fagaaraha la yimaado Warbaahinta wax soo saarka Cashuuraha beriga iyo Kastamada, balse waxay ahayd oo kaliya Warbixino La siiyo saraakiisha Wasaarada Maaliyada iyo Madaxweynaha dalka, hase-yeeshee dadka qaarkood waxay arrinkaa ku xidhiidhiyeen War uu ku qarinaayo faashilka ku yimi Wasaarada Maaliyada, mudadii uu Wasiirka ahaa.

Qoraalka doodaha xasaasiga ah dhaliyey ayaa u dhigan sidan.”Markii hore waxa kaalinta labaad ee dakhli soo saarka Waaxda Cashuuraha Berriga ku jiray gobolka Togdheer. Balse imika waxa kaalinta labaad soo gashay gobolka Awdal oo waxa ka horreysa oo kaliya gobolka Maroodi-jeex.”Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Raagge.

Farxan guuleed Yuusuf

farxangul123@gmail.com

Nagala soo xidhiidha Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here