Wasiirka Maaliyada Somaliland Yuusuf Oo Ficilo Iyo Hab-dhaqano Aad U fool-xun U Is-ticmalaaya Cashuurtii Laga Soo Ururiyey Shacabka Masaakiinta Ah Ee Reer Somaliland

0
670

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Wasiirka Wasaaradda maaliyada Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa ku kacay ficilo aad ugu fool-xun nidaamka dawlad-nimo iyo dhaqano ku cusub oo aan hore loogu aqoon Wasiiraddii kala duwanaa ee soo maray xukuumadihii ka horeeyay xukuumadda Kornayl Muuse Biixi hogaamiyo.

Kharashyada  Mafrashyadda Mirqaanka  ama guryaha jajabanta ah ee uu fangareeyo Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi oo  faraha ka sii baxaaya, ayaa ifafaale u ah ku tagri falka iyo Maal urursi siyaaysadeed oo wasiirku ku kacay intii uu xilka Wasiirka Maaliyada ahaa ee xukuumadda Kornayl Muuse Biixi.  Guryo tiro ahaan badan goobuhuna kala duwan yihiin , si xilkasnimo iyo damqasho la,aan ah loo gogley, tiradda dadka fadhiista iyo  kharash maalmeedka ku baxaana aaad u badan yihiin ayaa wasiirka Maaliyadda uga furan Magaalada Hargeysa. Lacag cadadkeedu dabooli lahaa baahiyo qaran oo miisaan lehna lagu burburiyaa maalin walba, xili xaaladda dadka cashuurta laga soo ururiyaa ay aad u adag tahay. Waxa intaa dheer asxaabta ay isku gole mirqaanka yihiin wuxu inta badan si hoose ugu naasnuujiyaa La taliyayaal lacag buuran si hoose loo siiyo, kuwaas oo rag badan oo ka mid ah aynu qormooyinka danbe ku xusi doono.

Wasiirka Maaliyaddu waxay tahay in uu astaan u noqdo siyaasadda Gunti- giijiska  amaba Tashiilka kharashaadka dawladda, ee Madaxweynuhu ku dhawaaqey, balse mey ahayn in damiirkiisu siiyo in uu tusaale u noqdo Qiimo u yeelka Qaadka, qarankeena dhibta weyn ku haya. Mey ahayn in wareegtooyinka ka soo baxaa ay Bariiska  cashuurtiisa kordhiso 20%, halka Qaadka iyo Shidaalka aaney waxba kordhin!!!. mise Qaadku waa quudkiisii awliyo oo heshiis hoose ayuu qaadlaha kula jiraa, bal adba, isagoo Wasiirkan habeen oo dhan markuu ku qayilo cashuurtii ummadda masaakiinta shacabka Reer Somaliland, subixii qaadiro la ildaran oo hadalka qaadi karayn soo fadhiista xafiiskiisa ama meelaha uu socdaalka ku tago ee xafiisyada maaliyadu leedahay.

Mirqaanka Qaadka Wasiirku, wuxu sabab u noqdey in Buugii Miisaaniyadda kolba nuqul wax laga bedelay iyo khaladaad tiro badan ka muuqdo uu soo saaro, ka dib intii Baarlamanka iyo Madaxweynuhu dhaqan galiyeen, kala duwanaanshahan buuga oo aanu  qeybaha danbe idin soo bandhigi doono.

Haddaba, kharash gareynta  shakhsiga ah ee Handtidii umadda uu ku tagri falkeeda bilaabey, waxanu si gaar ah u dul istaagi doonaa Ilaha kharash ee uu sii sameystey ee ku jira Bogga buuga Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo madax xige kasta aynu falan qeyn doono, Micnihiisa, miisaankiisa lacageed, ahmiyaddiisa iyo hawlaha ka mudnaa ee ay ahayd in lagu kharash gareeyo iyo qorshaha hadda qaarna lagu bilaabey la bixidooda kuwo kalena loogu talo galey in si shakhsi ah loola baxo.

Dhinaca kale waxaynu dul istaagi doonaa isbarbardhiga Odoraska  dakhliga Buuga miisaaniyadda la galiyey ee qaranka loo sheegay iyo Odoraska dakhli ee ka dhalanaya Cashuuraha hadda la kordhiyey, iyo  qorshaha wasiirku ka damacsan yahay farqiga u dhaxeeya ee aan miisaaniyadda lagu darin.

Aqoonta wasiirku waa ta garan siisey in isaga oo u jawaab is leh, Gudoomiyaha Xisbiga Wadani, yidhaahdo wax cashuur ah maanu ku kordhin alaabta kastamka ka soo degta amaba ka dhoofta! Indho adagaa wasiirku ma Qaadkaa Qalbi adeyga ku abuurey?. Waxan cadadka danbe idin la wadaagi doonaa: Juwanadii wareegtadiisa uu dafirey ka hor la iigu cashuurey iyo kuwa intii ka danbeysey  la iigu cashuurey, taas oo aad arki doontaa 20% Bariiska, daqiiqda iyo Baastadda ku kordhey , 40% alaabta kale ku kordhey iyo SHIDAALKA iyo QAADKA oo aaney waxba ku kodhin. Wareegtadda sidan lagaga dhigey waxay ku jirtaa Websiteyada, waana la baahiyey ee maaha wax qarsoon. Cashuur kordhin wasiirku wuxuu u yaqaanaa kaliya marka Qiimaha( Value) amaba Boqoleyda cashuurta(tax rate) la kordhiyo, laakiin wuxu isdiidsiinayaa in halbeega Sarifka cashuuraha kastamadu( customs exchange rate) ka saameyn badan yahay labada kaleba.

Mudane Madaxweyne Muuuse Biixi, isaga oo aad u hogga tusaaleynaya Golahiisa Wasiiradda wuxu u sheegay in aan xilka wasiirnimo aanu noqon doonin  mid loo soo shaqo tago, balse uu noqon doono mid qaranka loogu adeego. Madaxweynu wuxuu maalintaa sheegay in Golahiisa wasiiraddu wali aaney qaadan mushaharkii,  wax gunno ahna hadalkeedaba daa! Sidoo kale maalintii Miisaaniyadda la ansixinayey waxa uu tusaaleeyey sida loogu baahan yahay in dhexda la xidho oo aan la eegin kharash yaraanta miisaaniyadda , wasiir kastaana adkeysi u yeesho sidii uu qarankan, Tashiil miisaaniyadeed ugu adeegi lahaa. Haddaba, wasiiraddii kale Fariintu wey gashey waxanad arkeysaa qaarkood in ay dabooli kari la’yihiin Baahiyahoodii gaarka haa, Hawl , Hayn yaraan iyo Hadal yari ku shaqeynayaan, halka Wasiirka Maaliyaddu oo noqon lahaa Qeybiyaa Qadey, wuxu ku sugan yahay: Hawl yari, Hadal badni ( Agaasimo waaxeed iyo kharsh gaar ah  buu u sameystey) iyo Hanti urusi. Wuxuu tusaale khaldan u yahay Amaanadda Maaliyadeed ee loo dhiibay, in uu Marfashyo Qaad oo  tiro badan maalin walba lacagtii danyarta laga ururiyey ku kharash gareeyo, sidoo kale saameyn intee leeg bay ku yeelanaysaa Furashadda Mafrashyadda wasiirkoodu in ay Hawl wadeenada Wasaaradu iyaguna si fiican ugu daydaan.

Ugu danbeyn arimahaas oo aanu  faahfaahin dheeraad ah idinka siin doono kala soco qeybaha danbe

sakariye abdi

Sakariye12018gmail.com

Office Imeel Baraarugnews.net Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here