Wasiirka Wasaarada Beeraha E  Axmed Muumin Seed Oo Cabaareeyay Talaabada Xukuumadda Muuse Biixi kula kacday Ugaaska Beesha Gudabiirsi

0
274

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Wasiirka Wasaarada Beeraha ee xukuumadda Muuse Biixi Cabdi,  Axmed  Muumin Seed,ayaa cabaareeyay talaabada ay kula kaceen ciidamada Somaliland Ugaaska Guud ee beesha Gudabiirsi ee laga hor joogsaday innuu gudaha u soo galo magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.“Waxa aan aad uga Xumahay in loo diiday Ugaaska Guud ee Gadabiirsi Inuu soo galo Boorama iyo Awdal. Xuduudana laga celiyey. Waa wax aad looga xumaado.”Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Beeraha ee xukuumada Somaliland AXMED Muumin Seed oo qoraalkan ku qoray barta uu ku leeyahay Tiwiitarkiisa ee baraha bulshadu ku wada xidhiidho oo ka soo xigatey xafiiska wararka ee shabakada Baraarugnews.net ee magaalada Hargeysa.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here