Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga Somaliland Xasan Gaafadhi Oo Ku Hanjabay Innuu Is-casilayo Iyo Naxdintii Madaxweyne Kornayl Muuse &Sababaha Keenay

0
1014

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Horumatrinta Kaluumaysig Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa saaka ku kalahay xafiiska  Madaxweyne Muuse Biixi ee aqalka Madaxtooyada magaalada Hargeysa, isla markaana Wasiir Gaafaadhi ayaa la sheegay inuu waydiiyey Muuse Biixi su’aal ahayd sababta loo soo xidhay Boqor Cismaan Buur-madow, ka dib Muuse Biixi ayaa la sheegay innuu dafiray oo iskaga leexiyey , una sheegay innuu isagu xidhin ee aanu wax-ba ka ogayn, dushana ka saaray ciddii ka dambaysay Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin.Warku wuxuu intaa ku darayaa in Wasiir Goofaadhi, oo wajigiisa cadho xoog leh ka muuqato ku calaacalay maalin walba nin beeshayda ah gaar ahaan Biciide ayaa laygu dul xidhayaa oo sharaftiisa laygu dil dilayaa, anigoo ah Wasiirkii Beesha Biciide.

Xogo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw xafiiska madaxweyne Muuse Biixi, ayaa u sheegay wakaalada wararka Baraarugnews.net xafiiskeeda magaalada Hargeysa, in Wasiir Goofaadhi uu dal-baday haddii aan hadda la sii dayn Boqor Cismaan Buur-madow innuu iska casilayo xilka Wasiirka xanaanada xoolaha, isagoo Madaxweyne Muuse Biixi ka naxay dhawaaqa Wasiir goofaadhi uu sheegay innuu iska casilayo xukuumaddiisa haddii aan la sii dayn Boqor Buur-Madow, kuna garnaqsaday in maalin walba nin hordiisa lagu biraynayo, ka dib MADAXWEYNE Muuse Biixina isla markiiba maanta degdeg u sii daayey Boqor Cismaan Buur madow, iyadoo la sheegay innuu xildhibaan aqalka Golaha wakiilada Somaliland ah damiinta boqor Cismaan Buur-madow, markii la sii daayey

Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here