Wasiirkii Af-lagaadeeyay Suldaanka Guud iyo Madax-dhaqmeedkii Beesha Arab Oo Dafiray Waraaqdii Lagu Amray In La Soo Qabto Ganacsadaha Somaliland Ah

0
538
Wasiirkii Af-lagaadeeyay Suldaanka Guud iyo Madax-dhaqmeedkii Beesha Arab Oo Dafiray Waraaqdii Lagu Amray In La Soo Qabto Ganacsadaha Somaliland Ah
Wasiirkii Af-lagaadeeyay Suldaanka Guud iyo Madax-dhaqmeedkii Beesha Arab Oo Dafiray Waraaqdii Lagu Amray In La Soo Qabto Ganacsadaha Somaliland Ah

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Caateeye oo dhawaan laga badelay Wasaaradda Cadaalada xukuumadda Muuse Biixi , ayaa been abuur ku tilmaamay waraaqdii ay soo bandhigeen madax-dhaqmeedka Beesha Arab ee ku aadanayd in xafiiskiisa ka soo baxday waraaqdaa lagu amray in la soo qabto ganacsadaha Axmed Ismaaciil geelle oo ah ganacsade dhalasho ahaan ka soo jeeda reer Somaliland oo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle doonayo in loo soo qabto, loona soo gacan galiyo dawladiisa Jabuuti.

Wasiir Cabdiqani Caateeye oo barta uu ku leeyahay baraha bulshada ee twiterkiisa ku shaaciyey  qoraal uu ku beeniyey waraaqda leh jaabada xafiiskiisii Wasaaradda cadaalada intii xilkaa laga badelin, isla markaana wuxuu dafiray hadaladii iyo weedhihii anshax-xumada ahaa ee kula kacay Wasiirku Salaadiinta beesha Arab oo xalay warbaahinta ka sheegay innuu aflagaadeeyay Wasiirka Cabdiqani Caateeye mar ay xafiiskiisa ku booqdeen, si ay ugala hadlaan arrinta waaranka xadhiga soo qabashada ah ee ganacsadaha leh shirkadda S.B.I ee soo saarta sharaabyada kala duwan, isla markaana waraaqda wasiirku ku beeninayo warkaas oo bartiisa twiterka ka soo xigtay xafiiska wararka ee Wakaalada Baraarugnews.net ee magaalada Hargeysa ayaa u dhignaa sidan ee halkan hoose ka akhri. 

Baraashug00@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here