Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Xilkii Iska Casilay

0
18

Muqdisho(Baraarugnews.net)- Ra’iisal Wasaharaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirkii arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda ayaa waxa loo magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar,

Sida waxa lagu sheegay wareegto uu ku saxeexan-yahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe oo uu caawa baahiyay.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa wareegtada ka akhriyay Telefishinka Qaranka, iyada oo aanu sheegin sababta xilka looga qaaday Cawad.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loogu magacaabay Axmed Ciise Cawad inuu noqdo safiir, balse lama sheegin dalka.

Xil ka qaadista Cawad ayaa timid 24 saac kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda ay boggeeda twitter ka saartay qoraal looga hadlayey xaaladda dagaalka Ethiopia, qoraalkaas oo Cawad uu sheegay inuu ahaa mid aan sax ahayn.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here