“Waxaan aad iyo aad ula yaabay Wasiiradda Muuse Biixi  waxay ku hadlayaan. Qas Iyo  xabad….”

0
86

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo ka soo jeeda beelaha Gobolada Bariga Somaliland, ayaa sheegay inay la yaabsan yihiin hadalada ka soo yeedha Wasiiradda ka tirsan xukuumaddiisa Muuse Biixi. “Waxaan aad iyo aad ula yaabay, oo layaab igu noqday in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda inay yidhaahdan Mucaarad ama Mucaarad adagi dalka kama jiro, waxaanu leenahay dalka Mucaarad uu ka jira, oo Xisbiyo Mucaarad dalka wey ka jiraan, laakin waxaa hubaal ah inay Mucaaradku dadkooda u tudhayaan, ee Wasiiradda Muuse Biixi dib ha iskugu noqdaan, oo waxay ku hadlayaan ha ka fiirsadaan, Xisbiyada Mucaaradku qas iyo buuq inay abuuran diyaar uma ah, laakiin inay wax toosiyaan ayey diyaar u yihiin, Xisbiyada Mucaaradku nabad iyo xasilooni ayey wax ku doonayaan, xabad waxba ku dooni mayaan”.Sidaa ayuu yidhi Baashe Cali Jaamac oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika.

Siyaasi Baashe mar uu ka hadlaayey Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Xisbiga Waddani, waa Xisbiga ugu balaadhan dalka, haddana waa Xisbiga ugu da’da yar,Xisbiga Waddani, waxaa iskugu yimid labeentii iyo wax-garadkii iyo Siyaasiyiintii Somaliland, waana Xisbi mar walba dadkiisa u tudhaya”.

Dhinaca kale wuxuu ku taliyey in mar walba dantada qaranka laga wada shaqeeyo, oo nabadgalyada ilaalinteeda meel looga soo wada jeesto.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here