“Waxaan Ku Idhi Reerka Aad ka Dhalatey  Mareexaan Farmaajow  Ma Waxaad Doonaysaa In Ay Ka Go’aan Jubbaland?

0
45
“Waxaan Ku Idhi Reerka Aad ka Dhalatey  Mareexaan Farmaajow  Ma Waxaad Doonaysaa In Ay Ka Go’aan Jubbaland?

Garoowe,(Baraarugnews.net)-Maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland, ayaa ka hadlay arrimo xasaasiya oo dhex-maray Madaxweynaha xilka uu ka dhamaaday ee Farmaajo.

Madaxweynaha maamul-goboleedka soomaaliya ee  Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa ku eeddeeyay madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee soomaaliya Farmaajo innuu masuul ka ahaa burburkii shirkii Dhuusamareeb iyo xaalada ka taagan doorashada soomaaliya.

“Shirkii Dhuusa-mareeb Markii Gedo soo gaadhay ayuu dhaqaaqi waayey shirkii. Markii aan maalin iyo habeen wax aan qabto garan waayey. Waxaan ku idhi Gedo waxaad ka rabto ii sheeg. Maanta wax-ba qarin mayo. Waxaan ku idhi Reerka aad ka dhalatey  Mareexaan Farmaajow  ma waxaad doonaysaa in ay ka go’aan Jubbaland? Mareexaankii joogay Dhuusamareeb ayey la xumaatey. Madaxweynaha waxaan ku idhi waxa isku haysta maaha Ugadeen ee waa mareexaan.Qorshihii aanu keenay Madaxweynaha ayaa yidhi arrinta aad keenteen way diideen beeshaydu.” Madaxweynaha maamul-goboleedka soomaaliya ee  Puntland Saciid Cabdullahi Deni

Saciid Cabdullahi Deni wuxuu intaa sii raaciyey oo uu yidhi,“Waxaanu soo marsiin waynay in Maayarka Garbahaarey innuu faraha ka qaado Farmaajo. Wuxuu yidhi ilaa anigu soo magacaabo mooyee, cid kale oo soo magacabaysa ma jirto. Niman daarood ah ayaa ordaaya oo leh Gedo ha la xaliyo. Wax anagu nidhaahdno garan mayno. Nin imika soo baxay oo la yidhaahdo Dube. Gabdhaha Hargeysa Waxay yidhaahdaan Dube marka uu dhawaaqo ayaa la ya baa.markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye.”

Emial Office Hargeysa>-Caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here