“Somaliland iyo Puntland Waa Inay Degdeg u joojiyaan Dagaalka iyo xabad dhiiga Tuka-raq.  …”

0
746

 

Muqdisho,(Baraarugnews.net)- Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay Salaadii Jimcaha kaddib Masjidka Shuhadaa ee ku dhax-yaalla xarunta Villa Soomaaliya ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa in aan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here