“waxaan qirayaa Somaliland inay tahay meel u daran qofkeeda wanaagsan, ninkeeda xuna  kolkoolisa, tuugta siyaasaddana…”

0
601

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye, ayaa ka hadlay xaaladiisa caafimaad ee uu ku sugan yahay siyaasi Cali Sandule oo ku xanuusanaaya hoyga uu ka dagan yahay magaalada hargaysa Cali Sandule ayaa mudooyinkii ugu danbaysay xaalada caafimad oo aad u daran u jiifay gurigiisa, isla markaana Jamaal oo qoraal kooban ku faafiyey barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebuugiisa.“Jimce Mubaarak. Qofkastoo damiir lihi wuu ka damqanayaa muuqaalkan arkay xalay ee ahaa Cali Sandule Oo xanuunsanaya. Cali Sandule waan u duceynayaa Ilaahayna caafimaad degdeg ha siiyo; waxaan qirayaa laakiin Somaliland inay tahay meel u daran qofkeeda wanaagsan ninkeeda xuna u koolkoolisa Oo tuugta siyaasadda daryeesha, qofkeeda jecelna cidla kaga dhaqaaqda; waa ayaan daro in maanta Cali Sandule ku dhex xanuunsanayo Oo aanu gargaar haysan. Kuligeen ceeb bay inagu tahay hadaan arrinkaa shicib, baayacmushteri iyo dawladiba u kicin.”sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Sikastaba ha ahaate xalay ayay ahayd markii lagu war helay xaalada caafimad daro ee cali sandule isaga oo gurigiisa ku xanuusanaayay mudo 6 bilooda gaadhaysa ogaansha la ogaaday xaalada caafimaad iyo xanuunkisaba waxa fududeeyay dadkana tusay oo u soo bandhigay qaar kamid ah warbaahinta Somaliland geesta kale waxa isaguna gurigiisa maanta jimcihii ku booqday cali sandule Ex madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Xildhibaan Nac nac oo katirsan golaha wakiilada Somaliland.”

Email:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here