Weerar lagu qaaday Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo Ku Sugnaa  Deegaano Somaliland Ah &Ajanabi Cadaan ah 

0
261
Weerar lagu qaaday Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo Ku Sugnaa  Deegaano Somaliland Ah &Ajanabi Cadaan ah 

 

Somaliland,(Baraarugnews.net)-Masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo rag u jahnabi ah ayaa lagu weeraray deegaanka Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland.

Dablay hubaysan oo u dhashay deegaanka Gobolka Sanaag ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta & mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamulka Puntland oo marayay nawaaxiga Ulxeed ee buuralayda Caalmadow, kuwaasoo dadka degaanku ku eedeeyeen in ay la socdeen niman Caddaan ah oo macdan ka baadhayey buuraleeyda Gobolka Sanaag.Weerar lagu qaaday Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo Ku Sugnaa  Deegaano Somaliland Ah &Ajanabi Cadaan ah Kani waa sawirka gaadhiga laga qabsaday masuuliyiinta maamulka Puntland ee cadaanka watay

Dableeyda hubaysan ayaa rasaas culus huwiyay gaadiidkii ay wateen Wasiir ku xigeenka iyo  masuuliyiinta kale oo ka tirsan maamulka Puntland, inkastoo aan la soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, haddana mas’uuliyiinta la wareeray ayaa goobta uga cararay gaadhi nooca loo yaqaan Land-cruiser  Pick up “CABDI BILE”, kaasi oo markii dambe ay gubeen dableeydii weerartay.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso oo ay geysteen dableey Shabaab ah, balse dadka degaanka ayaa beeniyay in Al-shabaab weerarka ka dambeeyeen.

Geesta kale, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland ee masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Denay ee la weeraray oo ku saabsan arrimaha halkaa ka dhacay ee deegaanka  buuralayda Caalmadow.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here