“Wuxuu Ka Murugaysan Yahay Xaaskiisa Oo…”Mr. Jonathan

0
14
Mr. Jonathan

Uk.(Baraarugnews.net)-Sida ay qortay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP, ninka ooynaya ee dhexda uga jira sawirka hoose waa Mr. Jonathan Daval oo ah 34 jir u dhashay Faransiiska. Mr. Daval waxa uu ka murugeysan yahay geerida xaaskiisa oo meydkeeda oo la gubay laga helay keyn u dhow gurigooda oo ay subax kaste ku soo aalamiiteyn jirtay.

Labada qof ee dhiniciisa taagan waa hooyada iyo aabbaha dhalay xaaskiisa, oo iyaga oo ka murugeysan u yimid in ay u tacsiyeeyaan saaygeeda, una hadyeynayo ubaxyo, waxaana iyaguna meesha dhooban kummanaan qof oo ninkaan ugu yimid in ay uga tacsiyeynayaan geerida xaaskiisa.

Geerideeda kadib, waxa uu ninkaani sameeyay tababarro, tartanno iyo samafal uu ku qabtay magaca xaaskiisa, oo uu sheegay in uu ku xusayo kuna xusuusanayo jeceylkii uu u qabay xaaskiisa.

Baaritaan maalmo kadib lagu sameeyay meydkii gabadha ayaa lagu ogaaday in ninkaan ooynaya uu isagu dilay xaaskiisa, uuna gubay meydkeeda, kadib markii uu muran yar soo kala dhex galay ee ay qaniintay, uuna isu ooysiinayay, una xusayo magaca xaaskiisa si aan looga shakin oo aan loo ogaan in uu isagu dilay.

Waxaa jiro dad khubaro ku ah sida dareen been ah loogu xado qalbiyada dadka, ee ha rumansan wax kaste oo aad aragto ama laguu sheego, waayo waxaa jira dad ku takhasusay sameynta dhalanteedka lagu indho-sarcaadinayo indhaha dadka caqligoodu inta badan nadiifta yahay ee daacadu iyo rumaysiga waxyaabaha loo sheego ay ku badan yihiin qalbigooda daacadnimada ma oga khiyaamada lagu samaynayo ee indha kaliya wax ku arka.

Xigasho AFP


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here