“ Wuxuu U eekaa Muuse Biixi Abwaan Sooraan oo Soo Booqday Hargaysa. Bulshada Xaafada New-Hargeysa Ayaa La Waydiiyey; Maxaad Madaxwaynaha kala Hadasheen?

0
353
“ Wuxuu U eekaa Muuse Biixi Abwaan Sooraan oo Soo Booqday Hargaysa. Bulshada Xaafada New-Hargeysa Ayaa La Waydiiyey; Maxaad Madaxwaynaha kala Hadasheen?
“ Wuxuu U eekaa Muuse Biixi Abwaan Sooraan oo Soo Booqday Hargaysa. Bulshada Xaafada New-Hargeysa Ayaa La Waydiiyey; Maxaad Madaxwaynaha kala Hadasheen?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- “Runtii way fiican tahay in kol-ba Madaxwaynaha xilka hayaa uu shacabkiisa qeybo ka mid ah la caweeyo, taasoo dhanka kale si weyn u muujinaysa xaaladda amniga dalka iyo sida oo kale is dhexgalka bulshada rayidka ah ee madaxda talada u haysa.

Booqashadaas laakiin ma’aha in wax-qabad Madaxwayne looga dhigo dadka oo ay warbaahinta xukuumaddu ka sheekayso booqashada Madaxwaynaha ee xaafadda New Hargaysa ee Golden Huteelka ee ku taala bariga Hargeysa, ileen wax weyn oo, sidii jabhadii Caare oo kale ma uu soo xero gelinine, ama saldhigii qardho ku yaalay muu qabsane.

Hab-dhaqanka Madaxwaynaha Muuse Biixi marka uu bulshada dhex-tago iyaga ayaa uu waraystaa xaalada-hooda, dhageystaa cabashooyinkooda ku wajahan wasaaradaha dalka iyo laamaha dawlada iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jirta deegaankaa uu booqday markaas.

Balse isla habeenkaa uu madaxwaynuhu maqlo cabasho dadwayne talaabo ayaa uu qaadaa waxa uuna hawlgeliyaa laamaha sirdoonka qaranka oo ka soo warbixisa cabashadaa bulshada laba maalmood gudohooda, madaxwaynuhu talaabo adag ayuu ka qaadaa wasaaradaa ama xafiiskii ay bulshadu ka soo cabatay.

Nasiib darro-se xalay madaxwaynuhu isaga ayaa bulshada u sheekaynayay, waxa uu u eekaa Muuse Biixi Abwaan Sooraan oo Hargaysa soo booqday, mar bulshada la weydiiyay; maxaad Madaxwaynaha kala hadasheen? waxa ay yidhaahdeen; fursad nama uu san siin ee madaxweynuhu isaga ayaa noo maadeynayey!

Madaxwayne sideen ku idhaahdaa?”Sidaa waxa yidhi

Amb Ahmed Safiina oo ka tirsan xisbiga Waddani

Baraashug00@gmail.com or Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here