xaalku wuxuu maanta  u eeg yahay oo Dad badani walaac ka qabaan in Dawlad-nimadii shacabka reer Somaliland mar  labaad u gacan gashay koox Ciil qabayaal ah.”

0
159
Madaxweyne Muuse Biixow waxaanu kusoo jeedinaynaa inaad wax ka qabato Dulinkan Hoostaada ka Dilaacay…?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-“Hadii aad tawradii milataryga ahayd ee Siyaad AHN u taqaanay Xukuumadii kaligii taliska, Madaxwayne Biixi na ahaa askartii ka aflaxday nidaamkaa, hada isagu kaligii talisnimo wuxuu ku darsaday Kaligii Noolaade.

Durtaba isaga oo aan Sanad joogin waxa lagu soo waramayaa 80 milyan Dollar oo lunsi Hanti qaran ah.

waxa uu Muuse Caan ku yahay aar goosiga kuwa Shaqsiyaadka iyo Dadka ay si uun isu qabtaan ama u kala fikir duwanaadaan, bal u fiirso nin kasta oo Ka tirsanaa Saraakiishii Kulmiye oo ay is qabteen ama kala fikir noqdeen wuxuu geed dheer iyo mid gaaban ba u koray sidii uu ugaga takhalusi lahaa waanu kaga dhabeeyey.

Muuse inta aan ka arkay waa nin aad u dhibsada in hadal lagu soo celiyo ama Isla Xisaabtanka neceb, waxana taas kuu cadaynaysa Muuqaalka golihiisa Wasiirada oo uu u soo xushay Dhalinyaro uu rabo inuu saaxada Siyaasada soo galiyo oo aad ugu dhago nugul iyo Dhawr oday oo uu hore Xiniinyaha uga Saaray.

Tabashadii ka soo bilaabantay Beelaha Darafyada Soomaliland waxay maraysaa Cudunta iyo beestii dhexe ee uu Profisor Maxamed Siciid Gees lagaa Somaliland waxay u ku dhisan tahay Hanka Beesha dhexe.

idiinka Warami maayo oo war buuxa ayaad ka haysaan Xadhiga Cabudhinta iyo Xaalada Xoryad qawlku halkay Dalka marayso balse xaalku waxa uu u eeg yahay in Dad badani walaac ka qabaan in Hashii Maandeeq (Dawladnimadii shacabka reer Somaliland), mar labaad waxay u gacan gashay koox Ciil qabayaal ah.

Waa Arrimaha Bulshada Aragtida xorta Ah

Waxa qoray Zakariye Jaylaani.

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here