Xagee Laga Keenay Ama Yaa Bixiyey Dhaqaalaha Ku Baxaaya Shirka Beesha Garxajis Ee Ka Socda Buurta Gacan-libaax?

0
2006

Gacan-libaax,(Baraarugnews.net)-Shirka Beesha Garxajis, ayaa maalintii 3-aad shir isugu yimaadeen beelahaasi ka socda  buurta Gacan-libaax ee Gobolka Saaxil,isla markaana sawirka muuqaalka shirka beesha Garxajis ayaa u muuqda mid go’aanada ka soo bixidoona sida la saadaliyey innuu la mid yahay shirkii kan ka horeeyay ee beelaha Garxajis ku qabsadeen Buurta Daalo ee Gobolka Sanaag ee bariga somaliland

Guddoomiyaha qaban-qaabadashirkada jiif-caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir oo Waraysi siiyey Idaacada QAYBTEEDA Afsoomaaliga ee BBC-da, ayaafaahfaahin ka bixiyey sababaha keenay wakhtiga inay shir isugu yimadaan beesha Garxaji.“Wuxuu ku saabsan yahay shirka Beesha Garxajis wax wada qabsigooda,midnimadooda iskaashigooda iyo danahooda u gaarka ah inay ka shiraan ayuu aas-aaskiisu shirku yahay.”Sidaa ayuu yidhi Jiif-caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir.

Jiif-caaqilku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Beesha Garxajis marka hore Guud ahaan waxay dhaliilsan tahay ama qawadsan tahay habka cadaaladeed ee  beeshu ka leedahay ama qayb u helilaheyd ama beelaha somaliland oo dhami innaaney si cadaalad ah saamigu ugu qayb-samayn beelaha darafyada iyo beesha dhexeba way saluugsan tahay. Anaguna beelaha kale ayaanu la mid nahay oo waanu saluugsan nahay, taasi way jirtaa. Habka Cadaalada iyo saami qaybsiga beelaha ee xukuumadda Muuse Biixi way jirtaa. Dhaqaalaha shirka Garxajis wuxuu ka yimi beesha, haddii ay gudaha dalka joogto iyo qurbaha-joogta, waliba xoogeeda dhaqaalaha oo aad nooga gacan qabtay, laakiin beesha mid gude iyo dibad-ba jooga way ka qayb qaateen shirka.”

Su’aal la waydiiyey Guddoomiyaha qaban-qaabada shirka Beesha Garxajis Jiif caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir ayaa u dhignayd sidan.Shirkii Hore ee Beesha Garxajis iyo shirka Maanta Uga socda Buurta Gacan-libaax maxay ku kala duwan yihiin? “Waa shirkii labaad, shirka hore wuxuu ahaa Dal-wanaaje kaw, kana waxa la yidhaahdaa Dal-wanaaje laba (Dalwanaaje 2).Wax ale iyo wax ay ku kala duwan yihiin ma jirto oo waa shirkii hore oo un ee caadiga ahaa ee beeshu yeelan jirtay. Kana waa shir weynihii labaad ee beesha Garxajis.”

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here