Xanuun Beerka Ah Oo Ku Soo Booday Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi &Cisbitaalka La Dhigay

0
709
Sawirka Baraarugnews.net Maxamuud Xaashi Xanuun
Xanuun Ku Soo Booday Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Hargeysa Maxamuud Xaashi Cabdi &Beerka Oo Lagaga Dhegay Iyo Cisbitaalka La Dhigay

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Hargeysa xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi, (Muhanad), ayaa xaalad caafimaad-daro ah oo soo wajahday, xanuun ku soo booday loola cararay Imaaradka Carabta, isla markaana Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la sheegay in xanuunku ahaa mid ku soo booday, isagoo ku sugan gurigiisa xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in beerka laga qabtay Maxamuud Xaashi Cabdi, ka dib markii uu maalin joogay, lana geeyay cisbitaalka Gargaar, xanuunka ka haleelay beerka uu ku sii siyaaday, markii dambena loola cararay, diyaaradna laga saaray madaarka Hargeysa, isla markaana Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa la sheegay in markii diyaarada laga saraayey madaarka Hargeysa uu aad u tahayey, beerkana is hayey, isayadoo la tilmaamay in xaaladiisa caafimaad aheyd markii uu ku sugnaa gudaha magaalada Hargeysa mid halis ah oo cabaad iyo jibaad badan ka baxayey, kaar aad u darana uu hayey maxamuud Xaashi Cabdi.

Qaar ka mid ah Eheladiisa iyo saaxiibadiisa aadka ugu dhow oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa u xaqiijiyey wakaalada Baraarugnews.net ee Xafiiskeeda wararka ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xanuunku ahaa mid ku soo booday lagana qabtay beerka Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaana waxay xuseen in xaaladiisa caafimaad aad u liidatay markiilaga qaaday hargeysa, isagoo la geeyay cisbitaal ku yaal Imaaradka Carabta, halkaana lagu dabiibayo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Imaraadka.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here