xasan sheekh maxamuud oo ku soo wajahan muqdisho.

0
40

29-Augest-2018  mogadisho-somalia.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo wajahan Magaalada Muqdisho sidda ay xaqiijiyeen ilo ku dhow.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga waddaa in uu kulamo la qaado qeybaha kala duwan ee bulshadda kunool Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ka dhoofay ka dib markii looga guuleystay doorashadii Sanadkii hore ka dhacday Magaalada Muqdisho, Waxaana uu deganaa dalalka Turkiga iyo Tanzania.

Safarka imaanshihiisa Magaalada Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa ay ku soo beegmaysa, iyadoo 10-ka Bisha soo socota la filaayo inuu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka Somaliya, maadaama Xasan Sheekh uu yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka.

xasan sheekh maxamuud waxa uu madaxwayne ahaa inta u dhaxeysay 2012-2016 waxaana Uu ahaa mid ka mid ahaa madaxwaynaayasha soo maray dalka.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here