
Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Wasiirkii hore ee madaxtooyada xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaano Maxamuud Xaashi cabdi ayaa cadeeyay innuu u sharaxan yahay jagada murashaxnimada Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, isla markaana waraysi hor-dhac ah oo barnaamijka Hal Adayg ee telifeeshanka Horncable siiyey ayuu ku cadeeyay in Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Muuse Biixi ahna Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed uu dayacay ama lumiyey wakhtigii ama jaaniskii soo maray ee ahaa innuu xaq u leeyahay madaama uu Madaxweyne noqday Muuse Biixi ay tahay markiisii in lagu warjeeiyo jagada Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, siddii markii Axmed Siilaanyo noqday madaxweynaha oo kale Muuse Biixi iyo beeshiisu ku amreen in lagu wareejiyo Guddoomiyaha kulmiye Muuse Biixi, sidaana kula wareegay Muuse Biixi, laakiin Maxamed Kaahin halka uu hankiisu meel sare ahaan lahaa, lumiyey arrintii iyo gartii beesha Habarjeclo ay ku amrilaheyd Muuse Biixi innuu soo wareejiyo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.“Marka xisbiga Kulmiye shir-weynihiisa la qabto, haddii alle idmo, waxaan isu-soo taagidoonaa murashaxnimada Guddoomiyaha xisbia Kulmiye.Xiligii Maxamed Kaahin garta u lahaa ama ku doodilahaa in lagu wareejiyo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye,waa la soo dhaafay. Horta heesaha waan dhagaystaa, oo kuwa waddaniga ah ayaan jecelahay,”Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Xaashi cabdi oo Waraysi siiyey barnaamijka Hal Adayg ee telifeeshanka Horncable.
Caarshe7@hotmail.com