Xog Sir Ah:-Labadii Beelood Ee Ku Dagaalamay Deegaanka Ceel-afweyn Oo Midkiiba Kun Nin (1000),Oo Hubaysan Iyo Tikniko Wata Geeyay Bali-Midgaan Iyo Bohol &Tiradda Labada Dhinac Laga qabqabtay

0
1852

Ceel-afweyn,(Baraarugnews.net)- Labada beelood ee walaalaha ah ee dagaalku ku dhex-maray deegaanka Ceel-afweyn oo ilaa shalay  isku horfadhiyey , iyadoo labada dhinac-ba hubaysan yihiin Darar-weyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn, ayaa Ciidamada qaranka Somaliland oo gaadhay deegaanka Darar-weyne ee isku horfadhiyeen maleeshiyaadka labada beelood oo aad u hubaysnaa, isla markaana Ciidanka militariga Somaliland ayaa ku amray in Labada beelood-ba kala tagaan oo dib u kala qaadaan maleeshi beeleedka  oo mid walba dib ugu noqdaan guryahoodii iyo goobaha ay fadhiyeen markii hore ee ka yimaadeen ku amreen ciidamada militarigu inay dib ugu noqdaan labada beelood ee dagaalada soo noqnoqday ku dhexmaray deegaanada ceel-afweyn.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in maleeshiyaadka labada beelood ee is horfadhiyey ay ku gacansaydhaan oo diideen amarkii ay fareen Taliyaasha ciidanka qaranka, Balse jawaabta ay kaga falceliyeen maleeshiyaadka hubaysan ee labada beelood, ayaa ciidanka militariga Somaliland waxay ku qaadeen weerar labada maleeshiyaad ee hubaysnaa, ka dib ciidamada qaranka ayaa maleeshiyaadka labada beelood ka soo kala jeeday waxay beelna ka qabteen sideed Nin, (8ka mid ahaa maleeshiyaadka hubaysan), iyo qoryo ay ka furteen ciidanka qaranku, halka beelna laga qabtay laba iyo toban nin oo ka mid ahaa raga maleeshiyaadka hubaysnaa (12 Nin oo maleeshiyaadka hubaysaa), iyo qoryo ay ka furteen ciidanka qaranka oo labada dhinac-ba hub iyo rag ka qabqabtay, markii ay rasaas labada dhinac-ba maleeshiyaadka labada beelood-ba rasaas ku rideen ciidanka qaranka Somaliland,. Isla markaana Ciidanka qaranka ayaa labada beelood maleeshiyaadkoodii caydhsaday, iyadoo labadaba ay eryadeen ciidanka qaranka oo cagta mariyey maleeshiyaadkaas oo isku horfadhiyey deegaanka Dararweyne, iyadoo aanay wax khasaare ah oo rasaasta ay ku rideen maleeshiyaadka labada beelood aaney wax khasaare ah ka dhalan, kana yaaceen halkaa.

Sidii kale, deegaanka Ceel-afweyn ee ku dagaalameen labada beelood ayaa waxa gaadhay oo ku sugan wefti culus oo xukuumadda Somaliland ka socda oo ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka ciyaaraha Boos,iyadoo socdaalka ay ku joogaan ceelafweyn waxa ku weheliya madaxdhaqmeed iyo odayaal tiro badan oo ku sii qulqulaaya deeganada ceel-afweyn oo dedaal ugu jira sidii ay u damin lahaayeen colaada ka aloosan deegaankaa.

Geesta kale, a Wakaalada Baraarugnews.Net oo u kuur-gashay xaadalada deegaanka ku sugan yihiin Beelaha walaalaha ah isku dileen, yaa caawa labada beelood-ba eek u dagaalamay deegaanka Ceel-afweyn waxay maleeshiyaad ka soo kala jeeda Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaankaas ciidan beeleed gadhaaya kun nin oo hubaysan oo kala ah labada beelood oo tiro ahaan dhan kun Nin oo hubaysan ayaa beelahaa mid ka mid ah waxay joogaan Bali-Midgaan oo caawa ku sugan yihiin, halka beel ka mid ahna ay iyaduna sidaas oo kale rag hubaysan caawa isugu gaysay Bohol, isla markaana ciidan beeleedka labada beelood oo wata gaadiidka yar-yar ee Faylayaasha, Seerafyo iyo xaajiyado kurka laga jaray oo qoryo saran yihiin ayaa waxay isu-diyaarinaysaa beel walba raga ay ku soo kala dhoobeen labada goobood eek ala ah Bali-midgaan iyo Bohol, isla markaana raga la isugu geeyay deegaankaas ayaa haddii ciidanka qaranka Somaliland ka hor tagin waxa ka dhalan kara cawaaqib xumo aad u weyn oo sababikara dhimasho iyo dhaawac haddii aan laga hortagin.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here