Xog Sir ah:-Magacyada Raggii Afarta Haween Ku Dilay Gudaha Magaalada Ceel-afweyn Iyo Cidda Ka Dambaysa &Maxaa Keenay Sababta Ciidamada Qarsoon Ee Gaarka Ah ugu sameeyeen Muuse Biixi Iyo Nuux Taani Beelaha Habarjeclo Iyo Garxajis?

0
549
Xogta Sirta:-Magacyada Raggii Afarta Haween Ku Dilay Gudaha Magaalada Ceel-afweyn Iyo Cidda Ka Dambaysa &Maxaa Keenay Sababta Ciidamada Qarsoon Ee Gaarka Ah ugu sameeyeen Muuse Biixi Iyo Nuux Taani Beelaha Habarjeclo Iyo Garxajis?
Xogta Sirta:-Magacyada Raggii Afarta Haween Ku Dilay Gudaha Magaalada Ceel-afweyn Iyo Cidda Ka Dambaysa &Maxaa Keenay Sababta Ciidamada Qarsoon Ee Gaarka Ah ugu sameeyeen Muuse Biixi Iyo Nuux Taani Beelaha Habarjeclo Iyo Garxajis?

Hargeysa, (Baraarugnews.net)-Qalalaasahaha iyo xaalada amaan-daro ee dilalka joogsiga laheyn ee  ka taagan Deegaanka Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland,ayaa siyaabo kala duwan lagaga hadlay cidda ka dambaysa dhacdooyinka dagaalada labada qabiile ee  walaalaha ah ee sannadada badan ku dagaalamay deegaanka Ceel-afweyn,Balse Culumada, Madax-dhaqmeedka, Odayaasha, waxgaradka iyo xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dhamaantood xaqiiqda runta ah ka sheegin siyaabaha keenay innuu soo noq-noqdo dagaalada labada beelood ee ku dagaalamaaya deegaanka Ceel-afweyn.

.Warku wuxuu intaa ku darayaa in Kooxdii dablayda hubaysan aheyd ee maalmihii todobaadkii ugu dambeeyay ee  aynu soo dhaafnay afarta haween iyo labada nin ku dilay gudaha magaalada Ceel-afweyn, ayaa ragga dilka gaystay  waxay ahaayeen rag afka soo duubtay oo madaxa oo dhan maro iskaga xidhay oo qaabka hawl-galka dilka u fuliyeen wuu ka duwanaa habkii ay hore u fulin jireen labada beelood, oo labadooda Indhood oo kaliya ayaa u bannaanaa kooxda laysay haweenka, siddii Al-shaab oo kale ayey madaxa soo xidheen, wayna is qarinayeen, si aan loo aqoonsan wajiyadooda, iyadoo marka  dhaqanka soomaalida la eego had iyo jeer laba beelood dagaalamayaan ma duubtaan madaxa ee sicad ayey u dagaalamaan.Isla markaana wadooyinka laga soo galo magaalada Ceel-afweyn meel kasta waxa ka jooga ciidan, magaaladuna waxay ku talaa bannaan, iyadoo gudahana ay joogaan ciidan rooda ah oo habeenkii wareega suuqyada iyo xaafadaha degmada, kuwaasoo la tilmaamay in markii suuqa dhex-diisa ku laynayeen dadka ay daawanayeen ciidamo joogay goobta, markii la isku dayey in la qabtay raga haweenka laayey, waxa is hortaagay taliyaha saldhiga Degmada Ceel-afweyn.

Qaar ka mid ah Saraakiisha iyo askarta ciidamada Militariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, oo ka cudur daartay in aanu magacooda sheegno, sababa la xidhiidha dhanka amaankooda, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi gacan-weyn ku leedahay oo ka dambayso dilalkii u dambeeyay ee  ka dhacayey deegaanka Ceel-afweyn ee dagaaladii labada beelood ee walaalaha ah ee ku wada dhaqan deegaanka ceel-afweyn in aaney wadin dagaalka dhex-dooda labada beelood, laakiin ay ka dambayso wasiiro ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi iyo xubno ka tirsan xisbi-xaakimka talada haya ee Kulmiye oo hirdan dhanka Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ka dhexeeyo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed u arkaan inay ku kala adkaanayaan dagaalka labada beelood ee Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Ragga dilka gastay, ayaa la xaqiijiyey in ay ka tirsan yihiin ciidamada jooga deegaanka Ceel-afweyn ee  Gobolka Sanaag, kuwaasoo magacyadooda  idinku soo gudbinayno oo kala ah sidan:-Taliyaha saldhiga degmada Ceel-afweyn, taliye ku-xigeenkii saldhiga Dhide Degmada Ceel-afweyn saldhiga, iyo Kayse Libaaxe oo ka tirsan militariga ee deegaanka Ceel-afweyn, Maxamed siciid Yuusuf Diiriye oo ka tirsan ciidanka RRD, Doolaal Jaamac weyno, ina Xuseen Dheere, Liibaan Cabdillaahi Ibraahin, Jeylani Maxamed Ayaale iyo Faarax Siciid Cilmi iyo xubno kale oo aanu ku guulaysan waynay innaanu helno magacyadooda oo ka tirsan  ciidamada booliska iyo RRU-da  ee deegaanka Gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxdii haweenka ku laysay gudaha magaalada Ceel-afweyn oo ku jiraan ciidamada nabadgelyada u jooga deegaanka Ceel-afweyn.

Waxa kale, oo xogahaasi xaqiijisay in dhamaan ciidanka jooga deegaanka Ceel-afweyn ay ka soo jeedaan guud ahaan-ba bulshada Gobolada Galbeedka ee Hargeysa, Gabiley iyo Awdal,isagoo taliyaha haysta saldhiga degmada Ceel-afweyn yahay beesha madaxweyne Muuse Biixi iyo Taliyaha Nuux Taani oo dhamaan taliyeyaasha aagaas oo dhan u xilsaaran masuuliyada amaanka ka dhigay ciidano laga keenay galbeedka Somaliland. Isla markaana xogahaa ayaa xusay in Taliye Nuux Taani uu rag  gaar ah ka dhex-sameeyay ciidanka qaranka oo dano siyaasadeed loogu talo galay in ay fuliyaan xilliyada loo baahdo arrimo lidi ku ah madaxweyne Muuse Biixi, isagoo ku bixiya maaliyad lacag  tiro badan, siddii ay dil had-ba labada beelood ah u fuliyaan oo la isugu dhufto labada beelood, lagana dhigo in iyagu is dilayaan labada beelood ee Ceel-afweyn.Balse xogahaa ayaa tibaaxay in colaada dhamaadka laheyn ee deegaanka Ceel-afweyn ay sabab u tahay siyaasiyiin doonaaya Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo gacana ka helaaya Muuse Biixi,iyadoo dhiiga maantada la isku dilaayo ceel-afweyn loo arko siyaasad iyo goob lagu kala badinayo.

Geesta kale, dilalka qorshaysan ee bilahan dambe ka dhacayey labada beelood ee ku dhaqan deegaanka Ceel-afweyn, ayaa la sheegay in ay sabab u tahay shirka Beesha Habarjeclo u soo jeedisay inay wada shiraan beesha Garxajis, kana aq-bashay beesha Garxajis dalabka shirka beesha Habarjeclo kaga dhawaaqday magaalada Burco. Madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin, ayaa aamisan innuu khatar ku yahay  shirka beelaha Habarjeclo iyo Garxajis oo yahay mid dano siyaasadeed oo keeni kara mucaarid xoog badan oo dhanka xisbiga waddani taageero weyn oo cudud ah kaga helidoono shirka labada beelood ee Habarjeclo iyo Garxajis, haddii uu dhaco, iyadoo Muuse Biixi iyo wasiir kaahin shirka ka dhex-arkeen salaadiin iyo siyaasiyiin ka soo jorjeeda maamulka Muuse Biixi oo arrimaha  shirkaasi, haddii uu qabsoomo khatar siyaasadeed oo ku soo fool leh innuu yahay shirka labada beelood waxay dajiyeen qorshayaal shir-qool ah oo la doonayo in colaad dil ah la kala dhex-dhigo labada beelood, si uu u fashilmo shirka beesha Habarjeclo iyo Garxajis, taasna u soo celiyeen  dagaalkii labada beelood ee ku dhaqan deegaanka ceel-afweyn oo nabadii culumada, salaadiinta iyo waxgaradka kala duwanaa hore u soo af-jareen waxay dib u soo noqotay markii beesha Habarjeclo fidisay gogosha shirka beesha Garxajis.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Nuux Taani ayaa ka dambeeya dilalka ka dhacaaya Ceel-afweyn, iyagoo ka cararaaya in beesha Habarjeclo iyo Garxajis ay wada shiraan, isla markaana sababta ay u wadaan dilka wajalaada ah ciidamada maamulka Muuse Biixi tahay siddii aanu u dhicin shirka beelaha Habarjeclo iyo Garxajis oo fashiliyaan qabsoomida xilliga loo mudeeyay innuu ka dhaco magaalada Burco, isla markaana Taliye Nuux Taani iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka dambeeyay dilalka labada beelood ee ceel-afweyn, kuwaasoo raggii fuliyey dilka afarta dumar ah iyo laba nin ku dilay gudaha ceel-afweyn  ka tirsan yihiin ciidamada taliska Muuse Biixi ee deegaanka Gobolka Sanaag.

La Soco Xogo Kale oo dheeraad ah oo aanu idin soo gudbin doono khilaafka iyo xadhigii Taliye Doolaal ee lagu xidhay Miiska saraakiisha  kala soco Wakaalada Baraarugnews.

Baraashug00@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here