Xog Sir Ah:-Maxaa Ka Qabsaday Ergaddii Isugu Jirtay Culumadda, Ganacsatada Iyo Madaxweyne ku-xigeenaddii iyo Siyaasiyiinta Madasha Iyo Muuse Biixi?

0
776

Hargeysa, (Baraarugnews.net)-Muuse Biixi Cabdi ayaa ku gacansaydhay ergadii isugu jirtay Culumada, ganacsatada,Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee Somaliland Axmed Yuusus Yaasiin, Mujaahid Cabdiraxmaan Aw-cali (Tolwaa), iyo siyaasiyiinta la baxay madasha ee dhex-dhexaadinaysay, sidii xal loogu helilahaa arrimaha qarka u saaran in ay burburiso nabadgelyada Somaliland ee ka dhex-aloosan  Guddoomiyaha xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi Cabdi.

xogo lagu kalsoon yahay oo ka agdhaw Muuse Biixi iyo aqalka Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ,ayaa u sheegay in Idaacada Radio baraarug in ergadii isugu jirtay culumada ,ganacsatada waa weyn, AXMED YUUSUF YAASIIN CABDIRAXMAAN AWCALI TOLWAA IYO SIYAASIYIINTA MADASha iyo toosinta isku magacaabay ay ugu tageen guriga madaxtooyada xalay Muuse Biixi Cabdi, balse  dad ka agdhawaa Muuse Biixi iyo ergada isugu jirtay culumada iyo madaxda kale, ayaa sheegay in Muuse Biixi markii ay u yimaadeen ee ay u warameen arrimaha ay u socdaan, una soo bandhigeen ergo dhexdhexaadin isu xil qaatay sidii isaga iyo cabdiraxmaan Cirro u heshiisiin lahaayeen, ayaa la sheegay in muuse biixi ku yidhi culumadii iyo dhamaan xubnihii kale ee la socday uu kaga jawaabay dalabkoodii ahaa sidii loo heshiisiin lahaa hogaanka xisbiga waddani gaar ahaan Gudd cirro. Uu Muuse Biixi ku jawaabay isagoo qaab cadho ah oo hadal dagaal ah ugu jawaabay ergadii u tagtay aniga miyaad hore iigu soo sheegteen, mise aniga dalab in aan doonayo miyaad I waydiiseen, yaa idin diray, isla markaana Muuse Biixi ayaa la sheegay innuu diiday arrimaha ay ula yimaadeen ergada dhex-dhexaadinta ka dhex-waday Muuse Biixi iyo Guddoomiye Cirro.Isla markaana waxay cadeeyeen inkastoo kulankii ugu horeeyay uu diiday ergadii Muuse Biixi, laakiin ganacsatada Cuumada iyo siyaasiyiintu ay ku hawlan yihiin, sidii loo helilahaa bal qof kaliya in la helo oo Muuse Biixi qabta ama uu yeelo madaama uu iyaga diiday, ay dedaal ugu jirto ergadii ay raadinayso bal cid Muuse Biixi qaban karta in la helo.

Hase yeeshee,Todobaadkan u dambeeyay ee dhamaaday ayaa  isku soo baxyo boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee Somaliland  isugu soo baxeen fagaarayaasha xarumaha xisbiga waddani ku leeyahay magaalooyinka Hargeysa, Togdheer. Laascaanood iyo gobolka sanaag, kuwaasoo kaga soo horjeeda taliska Muuse Biixi tacadiyada iyo xadhiga ay la beegsanayso muwaadiniinta reer SOmalilandiyo madaxdaxda xisbiga waddani .iyadoo maamulka Muuse Biixina kaga jjawaabay weeraro ay ciidamadiisa boolisku ku qaadeen Guddoomiyaha waddani iyo madaxda xisbigaas,taasoo sababtay in taliye qaybeed ka tirsan xciidanka booliska lagu dhaawacay xabad si toos ah loo toogtay, markii ay jidh dil iyo tacadiyo kula kaceen ciidanka booliska somaliand dad rayid ah oo aragtidooda ku muujinayey hadal sida ay uga xun yihiin arrimaha muuse biixi iyo wasiirkiisa kaahin kula kacayaan xisbiyada qaranka iyo shacabka. Qalalaasaha iyo banaan baxyada ka dhacay magaalooyinka waa weyn ee Somaliland oo khatar iyo halis galiyey nabadgelyadii Somaliland ayaa keentay ergo isugu jira madaxweyne kuxigeenadii hore axmed yuusuf yaasiin, Cabdiraxmaan aw cali, siyaasiyiin, iyo mujaahidiin ka mid ahaa ururkii snm oo ku bahoobay madal ay ugu yeedheen madasha wada tashiga iyo toosinta Somaliland ayaa kala dhexgalay Muuse Biixi iyo guddoomiyaha waddani, isla markaana culumadii, madaxweyne kuxigeenadii iyo siyaasiyiintii ergada ugu tegay xisbiga waddani ayaa sheegay in shalay cabdiraxmaan cirro iyo dhamaan xisbiga waddani ka aqbalay oo khaatey in ay joojiyaan banaanbaxyada,una qabsoomay culumada iyo siyaasiyiointa ergo ahaan ugu tegay, oo aqbalay dalabkii culumada iyo siyaasinyiinta iyo lamadii madaxweyne kuxigeen ee ka dhexbilaabay dhexdhexaadinta xisbiga waddani iyo Muuse Biixi.

Office Somaliland

Emial:- Baraarugnews@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here