Xog Sir Ah:-  Qorshaha Lagu Soo Xidhayo Hogaamiye Xirsi Iyo Kulankii Dhex-maray Madaxweyne Muuse, Wasiir Kaahin  Iyo Xeer Ilaaliyaha Guud &Ma Madaxweynihii Hore Ee Axmed Siilaanyo ayaa Dacweeyay Xirsi Cali X. Xasan?

0
689
Xog Sir Ah:-  Qorshaha Lagu Soo Xidhaayo Hogaamiye Xirsi Iyo Kulankii Dhex-maray Madaxweyne Muuse, Wasiir Kaahin  Iyo Xeer Ilaaliyaha Guud &Ma Madaxweynihii Hore Ee Axmed Siilaanyo ayaa Dacweeyay Xirsi Cali X. Xasan?
Xog Sir Ah:-  Qorshaha Lagu Soo Xidhaayo Hogaamiye Xirsi Iyo Kulankii Dhex-maray Madaxweyne Muuse, Wasiir Kaahin  Iyo Xeer Ilaaliyaha Guud &Ma Madaxweynihii Hore Ee Axmed Siilaanyo ayaa Dacweeyay Xirsi Cali X. Xasan?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed kaahin Axmed iyo xeer ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aadan, ayaa ka wada hadlay inay soo xidhaan ama dacwad lagaga furo maxkamada ku saabsan buuga uu qoray hogaamiyaha xisbiga waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana waxa la sheegay inay falaqayn iyo su’aalo badan iska waydiiyeen qoraalo badan oo ku qoran buuga uu soo saaray hogaamiyaha xisbiga waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo haddii xadhig soo qabasho ah ama xadhigiisa maxkamada loo maro waxyaabaha ka dhalan-kara iyo inay saameyn ku yeelan karto xukuumaddiisa Muuse Biixi iyo talaabooyinka ka iman-kara xisbiga uu ka tirsan yahay Xirsi ee Waddani ayaa la sheegay inay ku dheeraadeen falaqayntiisa sharci iyo wakhti xaadirkan siday tahay taageerayaasha Xirsi, gaar ahaan gudaha dhinaca beesha Habarjeclo.  Warku wuxuu intaa ku darayaa inay ka wada doodeen haddii la soo xidho Xirsi Cali X, Xasan, laguna eeddeeyo sharciga ah sirtii qaranka ayuu faafiyey oo bug ku qoray iyo waxyaabaha uu horseedi karo buugiisa inay saameyn iyo kacdoon shacab keenayso iyo in kale ayey wax iska waydiiyeen Muuse Biixi, Wasiirkiisa Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo xeer ilaaliyaha guud, iyadoo la sheegay in markii qodobkaa laga dooday ay u arkeen innay saameyn ku keenayso dhinaca mucaaridka ee xisbiga waddani iyo taageerayaashiisa kaga iman kartaa keeni karto inay yidhaahdaan qaabkii Muuse Biixi ku soo baxay iyo ciddii doorashada qabatay loo jeedin karo waji kale oo ka saameyn badan qoraalka buuga uu qoray hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi, kana walaaceen inay qodobkaa u maraan inay dacwad ka dhan ah buuga uu qoray hogaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maxkamada dacwad lagaga furo, lana soo xidho iyadoo waraaq soo qabasho ah maxkamadu soo saarin ay keeni karto arrimo halis ku ah xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay.

Il-wareedyo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ee aqalka Madaxtooyada ayaa u sheegay Xafiiska wararka ee wakaalada Baraarugnews.net ee magaalada Hargeysa, in lagu oogo dacwad ah Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo ayuu meel kaga dhacay xaaladiisa caafimaad, markuu hayey xilka madaxweynimada iyo been abuur aflagaado qaran-jab ku Axmed Siilaanyo ku qoray buugiisa uu soo saaray  Xisri Cai X. Xasan ee ciwaankiisu yahay Miyi ilaa Madaxtooyo.Balse ilo-wareedyadaa lagu kalsoon yahay ayaa xusay inay aad ugu farxeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin inay ka dhaadhiciyeen, kuna kiciyeen bulshada kala duwan ee gude iyo dibad-ba leh ee ka soo jeeda Beesha Habarjeclo inay aamineen Xirsi Cali X. Xasan wuxuu cay laf-jab ah, meelna kaga dhacay caafimaadka wakhtigii uu  xilka hayey ee hogaaminayey dawladda Somaliland madaxweynihii hore ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayna u shaqaysay borobogaadhihii suuqa soo galiyeen ee baraha bulshada ku faafinayeen beesha madaxweyne Muuse biixi iyo masuuliyiinta xilalka ka haya xukuumadda Muuse Biixi, kuna bixiyeen lacago ay u qaybiyeen dad dhalinyaro ah intay facebuugyo samaystaan magacyo kale iyo sawiraan kale la gashado inay iska dhigaan dad ka xun meel ka dhaca uu kaga qoray Buugiisa Xirsi Cali, taasoo macno kale u badeleen, sida buuga ugu qoran tahay aan aheyn oo badelay u-jeedadii qoraaga buuga qoray Miyi ilaa madaxtooyo, taasoo ay ka dhigayaan  mid hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan uu leeyahay ma talin jirin Axmed Siilaanyo oo wuu xanuunsaday, kuna  gefay caafimaadka Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, laakiin aanu sidaa u jeedin qoraaga buuga Xirsi Cali X. Xasan, kaasoo buugiisa ku tilmaamay ama ku cadeeyay in talo aan isagu goyn AXMED Siilaanyo mooyee aanay dalka ka socon jirin, laakiin ilawsho qof kastaaba leeyahay xasuustuna ay lamacno tahay ilawsho, waana dabeeci qofkastaana wax buu ilabaa.

Sidoo kale, ilo-wareedyadaa ayaa tibaaxay in markii Dambe Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo xeer ilaaliyaha guud go’aan ku gaadheen in Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo ku soo qanciyaan innuu dacwad ku furo hogaamiyaha Waddani Xirsi si ay u helaan jid lagu soo xidho Xirsi Cali X, Xasan,si aanay beesha Habarjeclana ugu taageerto in dacwad lagu furo Xirsi, madaama been abuurka iyo borobogaadhada Muuse Biixi dawladdiisa iyo gaar ahaan ganacsadayaal beeshiisa ah ka dambeeyaan weedha ay dad badan caqligooda galiyeen Axmed Siilaanyo ayuu meel kaga dhacay caafimaadkiisa una macneeyeen ma talin jirin ee marwadiisa  Aamina Warisay iyo Maxamuud Xaashi ayaa talin jiray.

Wararkayaga dambe kala soco Madaxweynihii hore ee AXMED Siilaanyo iyo qoyskiisa ay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin leeyihiin dacwad ku fura Axmed Siilaanyo iyo beeshiisa Aadan Madoobe waxay ka tidhi qoraalka Buuga Xirsi Qoray kala soco cadadyada dambe xogtaas oo aanu idinku soo gudbinayno shabakada wararka Baraarugnews.net

Office Hargeysa Baraarugnews.net Emial:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here