Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Xoghayihii dawladda Hoose ee degmada Laascaanood Siciid Ibraahin Cabdi (Dhabayaco), ayaa laga joojiyey shaqadii iyo xafiiskii oo laga xidhay eedawladda hoose ee magaalada Laascaanood, isla markaana waxa la sheegay in maxbuus ahaan la keenay magaalada Hargeysa.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha deegaanka degmadda Laascaanood oo ka gaabsaday in magacooda la sheego sababa la xidhiidha saameyn ku yeelan karto arrintan ayaa u sheegay wakaalada Baraarugnews.net in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed amar ka soo baxay lagaga joojiyey shaqadii xoghayihii dawladda Hoose ee Laascaanood oo lagana xidhay xafiiskii oo quful lagu jabiyey. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xoghayihii dawladda Hoose ee degmada Laascaanood Siciid Ibraahin Cabdi shalowlo (Dhabayaco), lagu haysto dhul dan guud iyo goobo waddooyin ah uu iibiyey, isla markaana xukuumadda Muuse Biixi ay ogaatay dhulka uu iibiyey xoghayaha dawladda Laascaanood Siciid Ibraahin Cabdi, ka dibna arrinta dhulkaa uu iibiyey lagu haysto oo Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin uga yeedhay magaalada Hargeysa, markii lagu eeddeeyay musuq-maasuqa dhul uu qaab tuugo ah u iibiyey.
Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen oo ay xuseen in talaabada loogu yeedhay xoghayaha dawladda hoose ee magaalada Laascaanood Siciid Ibraahin Cabdi ay tahay sidii shaqada looga caydhin lahaa arrintaana loo haysto oo xafiiskiisii laga xidhay. Isla markaana uu wakhti xaadirkan uu ku sugan yahay gudaha magaalada Hargeysa oo uu joogay muddo gaadhaysa laba maalmood.
Dhinaca kale Xoghayaha dawladda Hoose ee laascaanood Siciid Ibraahin Cabdi oo aanu isku daynay innaanu arrintan lagaga joojiyey shaqadii iyo lagana xidhay xafiiskii dawladda Hoose ee degmada Laascaanood ayaa nasiib-daro noomay suurta galin innaanu helno telifoonkiisii gacanta oo xidhnaa aw-geed noomay suurta galin innaanu helno.
Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe Emial:-Caarshe7@hotmail.com