Xubnaha Beesha Muuse Biixi ka soo jeeda ee xidhay Kornayl Doolaal Xilalka iyo awooda ay ku leeyihiin Maamulka Madaxweyne Biixi?

0
72

Burco,(Baraarugnews.net)-DoolaaKornayl Maxamuud Jaamac Doolaal, masuuuliyiinta xidhay wa’ayo, isla markaana Muuse Biixi iyo xubnaha shir-qoolka xadhiga kornayl doolaal xagay beel ahaan ka soo jeedaan iyo cidda awooda u adeegsaday maxay yihiin?

Kornayl Jaamac Maxamuud Doolaal waxa xidhay Muuse Biixi Cabdi iyo saddex nin oo beesha madaxweyne Muuse Biixi.BaLSE saddexda kornayl doolaal xidhay ayaa kala ah Muuse Biixi Cabdi, Taliye Nuux Taani iyo Taliyaha miiska saraakiisha oo jifida hoose ee beesha Madaxweyne Muuse Biixi ka soo jeeda ee reer Samatar.

Doolaal Oo Ahaa Raggii Dalkan Xoreeyey Ee Naftoodana U Soo Huray, Oo Ay Lafo Xoolaadna Madaxda Kaga Jiraan Oo Macaan Leh, Oo Haddana Xanuusanaya In Lagu Dheel Dheelo Maanta, Ciddina Idinka Yeelimayso Illaahayna Idinka Yeeli Maayo, Annaguna Idin Ka Yeeli Mayno.
Haddaba Haddii Aanu Nahay Aqoon-Yahanka Waxgaradka Ee Jaaliddaha Reer Somaliland Ee Waddamada UK Iyo North America, Waanu Kaaga Digaynaa Dulmiga Muusoow.

Waxa Kale Oo Aanu Leenahay Madaxweyne Muuse Biixi Ciddina Kaa Yeelimayso Illaahayna Kaa Yeelimaayo Dulmiga Aad Doolaal Ku Samaysay, Waxaad Baabi’isay Xisbigii KULMIYE, Waxaad Cunaha Qabtay Horumarkii Dalka, Waxaad Xidhatay Ilihii Dhaqaalaha Ee Dalka Iyo Diyaaradihii, Waxaad Dulmi Qaawan Ku Haysaa Bulshada Reer Somaliland, Maantana Waxaad U Soo Dhigatay, Mujaahidkii Ugu Geesisanaa Halgankii Hubaysnaa Ee Dalkan Loo Soo Maray, Muusow Waxaad U Dhaqamaysaa Sidii Nadaamkii Keligii Taliye Maxamed Siyad Barre, Siyaasadna Garan Maysid Aqoon Ku Celisana Ma Lihid Illaahay Ka Cabso, Si Deg Deg Ahna Waa Inaad U Sii Daysaa Mujaahid Kornayl Doolal , Xaal Iyo Raali-Gelina Aad Siisaa, Haddii Kale Waxa Aad Ka Heshaan Ayeynu Arki Doona, Xaqa Illaahay Haku Garansiiyo.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here