“xuukamadda Muuse Biixi Waa Qabiil Qaawan Immika. Dimuqoraadiyada  Ayey Ka Sinaysanayaan Somalialnd. Xisbiga Kulmiye…”

0
1168

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa xaqiijiyey in xukuumadda uu gadh-wadaynka ka yahay Kornayl Muuse Biixi Cabdi isu-badeshay qaraabo kiil, isla markaana wuxuu xusay haddii aan maanta siday tahay dawladnimadii shacabka reer Somaliland la badbaadin keeni-karto burbur iyo kala yaac qalalaase ka dhasha isku dulnoolaan-shaha ka jira gudaha Somaliland. “Xuukamadda Muuse Biixi loomasina shaqada dawladda oo way jirtaa taasi. Qabiil qaawan ayay aheyd  immika dimuqoraadiyay ayey sheegataa Somaliland xisbiyadiina qabiil ayey ku dhisan yihiin oo dimuqoraadiyadii ayaa laga sinaysanayaa oo waa in qabiil laga dayaa. Haddii aad eegto xisbiga Kulmiye, Anigu maanta Guddoomiye kama noqon karo. Nin kale oo reeraha kale ah kama noqon karo Guddoomiye,”Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan.

Cabdillaahi Jawaan wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday Somaliland ha’yaddihii dawlada ayaa qabiil la galiyey. Waxaan kula talinayaa Madaxweyne Muuse Biixi iyo cidda kale ee hogaanka dalka Somaliland haysa, waar ha;yaddahan dawlada ee qabiilka lagu saleeyay ha laga saaro, haddii kale waynu ku baa’ba’aynaa.”

Baraarugnews.net Caarshe7@hotmail.con


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here